Lafta-gareen oo u yeeray dhamaan guddoomiyaasha gobalka Shabeellaah Hoose

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa u yeeray dhamaan guddoomiyaha maamulka gobalka Shabeelada Hoose, ku xigeenadiisa iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobalka, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed.

Ibraahim Aadan Najax, guddoomiyaha gobalka Shabeelada Hoose iyo wafdigiisa oo ka kooban ku xigeenada gobalka iyo kuwa degmooyinka ayaa gaaray Baydhabo, waxaana la sheegay in ay kulamo Baydhabo kula leeyihiin Madaxweyne Lafta-gareen.

Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan in wafdiga laga reebay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobalka Shabeellada Hoose, sidoo kalane ah guddoomiyaha Maaliyadda ee gobalkaasi Cabdiftaax Xaaji Cabdulle balse inta kale ee ka kooban kuwa gobalka iyo degmooyinka ay gaareen Baydhabo.

Wararka aan helnaya ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu doonayo in uu sameeyo xil ka qaadis iyo magacaabis islamarkaana la xalin doono dhibaatooyin daran oo ka jira Shabeellada Hoose.

Bixitaan-ka masuuliyiintaan ayaa ku soo aadaya iyadoo gobalka Shabeellada uu wajahayo xaalado aad u daran oo dhanka ammaanka iyo arrimaha bini-aadanimada ah, waxaana muuqata in maamulka gobalka uu ku fashilmay maareynta musiibooyinka gobalka ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com