24.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 9, 2025

Laftagareen iyo wasiir Jaamac oo ka dagay degmo ay go’doomiyeen Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Diinsoor (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Wafdigan ayaa waxaa Diinsoor kusoo dhaweeyay maamulka degmada, saraakiisha laamaha amniga iyo qaybahaa kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Laftagareen iyo Jaamac ayaa Diinsoor ku tegay diyaarad yar, maadaama magaaladaan ay muddo ka badan 10 sano go’doomiyeen xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Baay.

Ujeedka safarka wafigan ayaa la xiriirta u kuurgelida xaaladda degmada iyo sidoo kale dhaqaajinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda halkaasi

Sidoo kale mas’uuliyiintan ayaa inta ay joogaan magaalada waxa ay la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga xog wareystaan xaaladda iyo howlgallada.

“Safarka Mas’uuliyiinta ayaa la xiriira Dardar galinta Qorshaha dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo Koofur galbeed waxaana ay kulamo laqaateen Waxgaradka iyo qeybaha bulshada degmada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Koonfur Galbeed.

Maalmihii u dambeeyay waxaa deegaanada Koonfur Galbeed ka socday u diyaar garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo la filayo inuu ka billowdo maamulkaasi.

Xududr ayaa kamid ah magaalooyinka waa weyn ee uu ka socda gulufka, waxaana dhawaan tegay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Read more

Local News