Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo xasaasi ah oo uu la qaadanayo madaxda dowladda iyo qaar kamid ah safiirrada dalalka caalamka ee fadhigoodu yahay caasimada.
Laftagareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Ahmed bin Mohamed Al-muwalad, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo ku aadan xaaladda dalka.
Kulanka labad mas’uul ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Koonfur Galbeed iyo Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, ganacsiga, iyo taageerada adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyay dowladda Sacuudiga kaalinta ay ka qaadato garab istaagga Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo ku dhisan walaaltinimo iyo is-ixtiraam.
Danjire Ahmed bin Mohamed Al-muwalad ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay inay sii xoojiso taageerada ay siiso Dowladda Koonfur Galbeed, si loo dardargeliyo dadaallada nabadda iyo horumarka.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallo u haatan Muqdisho ka wado Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kaas oo shalay xarunta Madaxtooyada kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Kulankaas oo ay goobjoog ahaayeen siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo sidii loo guda geli lahaa doorashooyinka qof iyo codka ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si gaar ah Cabdicasiis Laftagareen uga dalbaday in siyaasiyiinta mucaaradka ah u ogolaado Baydhaba, si ay halkaas uga sameeyaan ololahooda, maadaama ay furteen ururo, ayna ka qayb-galayaan doorashooyinka dalka.
Si kastaba, Kulamada ayaa weli sii socda, waxaana qayb ka ah siyaasiyiin saameyn ku leh deegaannada Koonfur Galbeed, iyada oo dooduhu ay xooggan yihiin, maadaama ay taabanayaan doorashooyinka, lana filayo in dhawaan ay dhacaan isbeddalo waa wayn.

