26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

LEADERSHIP-HOGGAAN: Daabaacaaddii koowaad ee buug cusub oo soo baxay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxay buug cusub oo ku qoran luuqada Soomaaliga ayaa si qoto dheer oo cilmiyaysan u soo bandhigaya Hoggaanka, Maamulka iyo Maaraynta, mid guud iyo mid gaar ahba.

Buuggan oo magaciisu yahay Hoggaan, waxa uu akhristaha uga jawaabayaa su’aalo badan, oo muhiim ah. Waxaa uuna usoo bandhigay qoruhu sida ugu fudud ee wax lagu fahmo. Waana lagama maarmaan in qof kastaa akhriyo. Waa buug xiligiisii joga, woruhuna  waqti badan galiyay.

Buuggan waxaa qorey Dr. Abdirahman Shafici Khalif oo noloshiisa inta badan ku qaatay Yurubta Galbeed, bartayna culuumta Hoggaanka iyo Maamulka, daganna dalka Denmark.
Ma aha qoraha markii 1-aad uu qoro buug, waxaa uu horay u qoray buug ku qoran luuqadda Danish-ka ee dalka Denmark.

Buuggan cuusb ee Hoggaan waxa uu xambaarsan yahay aqoon, khibrad iyo waayo-aragnimo, tilmaamo, talooyin, iyo tusaalayaal. Waxa uu ku suntan yahay aqoon diiniya iyo mid maadiya, waa buug ay ku dheehan yihiin qormooyin iyo qoraalo muhiim ah, oo ay tayadoodu sarayso oo xigasho iyo ka daba gal leh. Buuggani aqoontiisa waxaa laga soo xigtay Kitaabka Allaah iyo ilo aqoonneed lagu kalsoon yahay.

Buugga waxa uu kaa caawinayaa qodobo badan, oo faa’iido u ah hoggaanka, maamulka iyo maaraynta. Inta aadan u hanqal taagin in aad wax hogaamiso wax ka baro qaabka wax loo hoggaamiyo iyo sidii aad wax u hoggaamin lahayd.

Buuggani waxa uu kugu dhiirriggalinayaa hoggaaminta, horumarinta guud tan gaarka ah iyo in aad guul gaadho, markasta ku toostid waddada aad ugu sahay qaadan laheyd meesha ay kaa xigto guushu.

Buugga oo si weyn loo sugayo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda qoraagu soo badhigo. Waxaad ka heli kartaa xarumaha lagu iibiyo buugaagta ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Maktabadda HUD HUD.

Qoraha bugga waa Dr. Abdirahman Shafici Khalif

- Advertisement -

Read more

Local News