Daawo: Arrin cusub oo kasoo korortay xiisadda Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee mamaulkaasi, gaar ahaan muranka xoogan ee ka taagan doorashooyinka maamulkaasi.

Ugu horreyn xildhibaannada ayaa caddeeyay mowqifkeeda, waxayna kasoo horjeesteen muddo kororsigii halka sano ahaa ee dhawaan loo sameeyay Golaha Wakiilada Puntland.

Sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Dastuuriga ah oo burisay tallaabada baarlamaanka ee ku aadan muddo kororsiga.

Mid kamid ah xildhibaannadaas oo ka warbixiyay shirkooda ayaa sheegay in xilligan aysan suuragal ah in laga shaqeeyo muddo kororsi, ayada oo lagu jiro xaalad hubanti la’aan ah.

“Halkan waxaan ku qabaneynaa shir saxaafadeed annagoo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Puntland oo ka kooban illaa sodomeeyo xildhibaan sababtana waxa ay tahay inaan shacabka reer Puntland dhammaantood aan la wadaagno aragtideena ku aadan xaaladda dalka, marka waxaan bulshada u cadeyneynaa inaanan raalli ka ahayn muddo kororsiga baarlamaanka, suurtagalna aanan ahayn” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaannada.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay diyaar u yihiin in la aado doorashadii hore ee ay kusoo caana-maashay Puntland, si looga gudbo is mariwaaga ka taagan Garoowe.

“Inteenna waxaan diyaar u nahay oo bulshada reer Puntland u sheegeynaa in dalkani uu aado doorashadii 66-da ahayd ee ay kusoo caana maashay Puntland” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, waxaa jira in ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland oo iyaguna fiidnimadii xalay diyaariyay mooshin ka dhan ah maxkamadda dastuuriga ah.

Warar lagu kalsoon yahay, oo aan ka xaqiijinay dhinacyo kala duwan, ayaa sheegaya in mooshinka loo gudbinayo fadhi deg deg ah oo ay maanta yeelanayan Baarlamanka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa saacado kooban kadib markii maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland laashay mudda kororsigii uu samaystay baarlamanka.