KARAASH: Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keli-talisnimo

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo qoraal soo saaray ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Deni oo ay isku khilaafeen arrinta doorashada.

Axmed Karaash ayaa Saciid Deni ku eedeeyay inuu yahay kaligii taliye, isla markaana uu isku koobay awooddii maamulka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu iska diiday dhammaan talooyinkii loo jeediyay, isaga oo tilmaamay inuu qaaday waddo natiijadeeda ay tahay fashil oo kaliya.

“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil” ayaa qoraalkiisa ku yiri, Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Madaxwyene ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wixii dhibaato ah ee ka dhashay xiisadda ka taagan Puntland uu mas’uuliyadddeeda qaadayo Saciid Deni

“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho” ayaa mar kale yiri Karaash.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay kasii dartay xiisadda siyaasadeed ee Puntland, kadib markii maxkamadda dastuuriga ay burisay muddo kordhinteen baarlamaanka.

Si kastaba, tallaabada baarlamaanka, go’aanka maxkamadda iyo qabsiga Deni iyo Karaash ayaa weji cusub usii yeelaya xiisadda Puntland ee ka dhalatay muranka doorashada.