Anita Kiki oo soo afmeertay howl-galkii Soomaaliya, sameysay qiraal cajiib ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka howl-galeysay dalka uu soo dhammaadey, ayaa kulan sagootin ah la qaadatay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee JFS Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka ayaa ku-xigeenka ergeyga uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay uga soo dhalaashey shaqada loo igmaday, ugu adeegtay dadka Soomaaliyeed muddadii ay dalka joogtay.

Sidoo kale waxa uu ku-xigeenka ergeyga warbixin guud ka siiyay xaaladda dalka ee dhinacyada, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka laga sameeyay iyo markii la dhisay xukuumadda Dan-Qaran sannadkii la soo dhaafey, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay kulankaan.

Marwo Kiki Gbeho ayaa qirtey in Soomaaliya ay cagta saartey waddada horumarka iyo rejada, islamarkaana ku tallaabsatay guullo la taaban karo oo waddanka u horseedaya dib u soo kabasho dhameystiran.

Waxay sidoo kale ka mahad-celisay wada-shaqeynta iyo soo dhoweynta ay u fidiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya intii ay dalka ka howl-galeysay.

Anita Kiki Gbeho ayaa bishii December 30-keedii 2020 loo soo magacaabey inay noqoto ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Anita ayaa dhammaadka bishan waxa ay qaban doontaa xilka ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Koonfuurta Sudan, ahna madaxa isku-duwidda arrimaha gargaarka bani’aadminimada.