MADAALE oo taageero u helay arrin ay ku dhiban yihiin dadka Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar kula kulmay dhigiisa Duqa magaalada Doha Mansour Ajraan Al-Boeinin.

Kulankaan ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta xariirka labada dhinac, dardar-gelinta heshiiska mataaneynta labada Magaalo iyo taageeridda horumarinta caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa Doha kala hadlay qorshayaasha hortabinta u leh dowladda hoose ee Muqdisho oo ay ugu horeyso wax ka qabashada bullaacadaha, qorshaha dib-u-hagaajinta magaalada, wax ka qabashada nadaafada iyo helida gaadiidka culus ee loo adeegsado nadaafada, dab-damiska iyo adeegyada deg-dega ee bulshada.

Duqa magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin talaaba kasta oo lagu taageerayo horumarinta Magaalada Muqdisho iyo sidii loo dardargalin lahaa qorshaha mataaneynta Doha iyo Muqdisho.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa ugu dambeyntiina wuxuu uga mahad-celiyay dowladda Qatar iyo shacabkeeda taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay aheyd markii Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale si weyn loogu dhalleeceeyay nadaafad darro iyo biyo ay magaalada Muqdisho dhigeen roobabka mahiiganka ah ee ka da’aya gudaha dalka.

In Muqdisho ay hesho bullaacado ay biyaha roobka ku dhacaan, halkii ay waddooyinka biyo dhigi lahaayeen, ayaa la aaminsan yahay inay yareynayso culeyska magaalada ee ay keenaan daadaadka ka dhasha roobabka.

Si kastaba, Marwalba oo isku socodka adkaado, oo ay waddooyin badan biyo xiraan, waxaa dhinaca kale qaali noqonaya maciishada iyo gaadiidka dadweynaha, waxaana dhinaca kale ka dhalan kara falal amni darro ah.