Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan loo magacaabay xilka Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD ayaa faah-faahin ka bixiyay sida ay Soomaaliya ku heshay kursigaan iyo muhiimada uu u leeyahay.
Waare ayaa shaaciyay in kursigaan aan loo tartamin, ayna Soomaaliya ku heshay go’aan ay gaareen waddamada qeybta ka ah ururkaan, maadaama uu dalkeenna muddo fog ka qaban xil noocaan ah.
“Kursigaan looma tartamin, shirkii IGAD ee lagu qabtay dalka Jabuuti bishii June ayaa lagu go’aansaday in kursigaas Soomaaliya la siiyo, maadaama Soomaaliya ay ahayd waddadamaeii lagu aas-aasay ururka ee weli aan ka qaban kursigaas, marka waa la isla gartay, toddobada madaxweyne ee markaas joogay ayaa isla gartay,” ayuu yiri ku-xigeenka xoghayaha guud ee IGAD.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilkaan uu Soomaaliya u leeyahay muhiim gaar ah, islamarkaana ay ka soo dhalaali doonaan kaalintooda, weliba sidii looga faa’iideysan lahaa kursigaan ay markii ugu horeysay heshay Soomaaliya.
“Booskaas waa boos muhiim ah, Soomaaliya waxay kamid tahay waddamadii lagu aas-aasay waana markii u horeysay, waxayna qeyb ka tahay dadaalka dowladda ugu jirtay arrimaha diblumaasiyadda, ku biiristii EAC, iyo in IGAD miisaaniyad ku yeelato,” ayuu yiri Mudane Waare.
Waxa uu intaas kusii daray “Howl weyn ayaa noo taalla, anigana meel cidlo ah ma imaan oo eber ah waxba ka bilaabi maayo, madax ayaa joogta oo aqoonyahaano ayaa joogta, imkaaniyad badan ayaa yaalla marka khibradeyda iyo waayo aragnimadeyda ayaa ku biirin doona.”
Waare ayaa markii ugu dambeysay ahaa ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasillinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, ayada oo xilkaas dhawaan uun laga qaaday, ayada oo sababtuna ahayd xilka loo waday oo ugu dambeyn shalay loo magacaabay, isaga oo noqday ku-xigeenka xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD.
Magacaabistiisa ayaa sidoo kale timid, kadib markii ay Soomaaliya codsi u gudbisay dalalka xubnaha ka ah IGAD, sidaasna lagu magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare.
Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa noqday mas’uulkii saddexaad ee Soomaali ah oo xilligan xil sare ka haya ururka goboleedka IGAD. Waxaa hadda IGAD xil ka haya wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ah ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan la-qabsiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.
Sidoo kale, waxaa dhawaan Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Soomaaliya, loo magacaabay Maxamed Kaarshe oo horey usoo noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug.