Muqdisho (Caasimada Online) –Wararka naga soo gaaraya xaafada Juungal degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in Libaax uu dad ku dhaawacay xaafadaasi, kadib markii uu kasoo fakaday xaafad lagu hayay.
Libaaxaan ayaa kamid ahaa seddex libaax oo haweenay ay ku heysatay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir , inkastoo horay labo kamid ah ay u geeriyoodeen.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegtay in libaaxaas uu dhaawacay labo ruux oo midkood dumar aheyd, kana mid aheyd qoyskii heystay libaaxa iyo ruux kale oo xaafada ku sugnaa.
Xaalada wiilka uu dhaawacay Libaaxa ayaa la sheegayaa inay tahay mid daran,sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen, waxaana la ogeyn halka uu ku dambeeyay Libaaxa waxyeelada geystay.
Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aad u hadal haya waxyeelada maanta uu geystay Libaaxa lagu heystay degmada yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]