Liiska xubnaha madaxweyne Xasan ula safraya Dubai illaa New York iyo dalal-ka ay baasabooradooda wataan

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Somalia Xasan Sheikh Maxamuud oo iminka ku sugan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa billaabay socdaal dheer, oo uu ku bixin doono magaalooyin badan oo caalamka ah.

Madaxweyne Xasan, ayaa tagi doona magaalooyinka Rome, Brussels, New York, Washington DC iyo Ohio, halkaasi oo uu kaga qeyb gali doono shirar ay ka mid yihiin kan New Deal, kullanka guud ee QM iyo kullamo Soomaalida caalamka uu la qaadan doono.

Socdaalka,  ayaa waxaa madaxweynaha ku wehliya wasiiro badan iyo qaar ka mid ah shaqaalaha gaarka ah, sida kuwa qaabilan nidaamka iyo afhayeenno.

Caasimada Online ayaa heshay document ay ku qoran yihiin dhammaan magacyadLiia xubnaha la socda madaxweynaha Somalia.

Qarashka ku baxay socdaalka madaxweynaha, ayaa waxaa bixin doona dowladda Somalia, marka laga reebo kan Brussels oo uu bixin doono Midowga Yurub.

Doceument-ga ay heshay Caasimada Online, waxaa sidoo kale ku qoran baasaboorada ay ku safaryaan xubnaha la socda madaxweynaha Somalia.

Halkan hosoe ka arag document-ga. Haddii aadan si fiican u arag click ku dul dheh sawirka si uu kuugu weynaado.

Delegation-List-To-Brusells-Rome-Wash_-DC-Ohio-New-York-page-001Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com