Liverpool oo ay diiradu u saaran tahay Arda Turan iyo Alexis Sanchez (Aqriso)

Liverpool ayaa markaan laba ciyaaryahan ka dooneysa Horyaalka La Liga waana xidiga garabka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid Arda Turan iyo weeraryahanka kooxda Barcelona Alexis Sanchez, sida uu qoraayo wargeyska Talksport.

Kooxda Brendan Rodgers ayaa todobo kulan oo horyaalka xilli ciyaareedkan ah keliya shabaqa soo taabatay sagal jeer goolashaasoo ay shan ka mid ah ka dhaliyeen kooxda Norwich.

Wuxuuna Rodgers, si kama ah kooxda amaah uga diray Andy Carroll kaasoo ku biiray kooxda West Ham horaantii sanadkaan, kooxda ayaana weerar la’aan u damqatay ka dib markii uu dhaawac soo gaaray Fabio Borini.

Sida ay tebinayaan saxaafada Spain, Rodgers ayaa wakiilo daawada u diray kulankii uu xulka Turkey 1-0 ku garaacay xulka Romania si ay usoo indha indheeyaan Turan, kaasoo laftiisu taageere u ah kooxda Liverpool.

25 jirkaan ayaa sanadii hore kusoo biiray kooxda Atletico Madrid, waxaana intii uu joogay kooxdiisii hore ee Galatasaray lala xiriirinaayey inuu ku biiro Anfield.

Xidiga kale ee uu Rodgers baacsanaayo waa laacibka heerka caalami ee dalka Chile Sanchez.

23 jirkaan ayaa  laga deyrinaayey waayihiisa Comp Nou oo uu kusoo biiray sanadkii lasoo dhaafay, waxaana lasoo jeedinayaa inuu ku guul darreystay ka hoos shaqeynta macalinka cusub ee Barca Tito Vilanova, taasoo uu keliya xilli ciyaareedkaan u saftay kooxdiisa todobo kulan.