Liverpool oo Janaayo dalab u direysa Leandro Damiao.

Liverpool ayaa lasoo werinayaa inay ka fikireyso inay Janaayo dalab u dirto weeraryahanka aadka loo qiimeeyo ee reer Brazil Leandro Damiao iyadoo uu tababare Brendan Rodgers doonayo inuu weerarka kooxda ka xoojiyo.

Macalinka Anfield ayaa lasoo jeedinaayey inuu doonayo weeraryahan caalami ah marka uu suuqu dib u furmo bisha Janaayo iyadoo kooxdu ay aragto in weerarkeedu ku dhisan yahay Luis Suarez, halka Fabio Borini uu isna dhaawac qabo.

Lucas Leiva oo u ciyaara Liverpool ayna xidigaan isku Koolej kasoo bexeen ayaa aaminsan inuu 23 jirkaani yahay weeraryahan ku haboon Reds.

“Wuxuu la qabsan lahaa Premier League si wanaagsan, waa ciyaryahan weerar dhexe ah oo xoogan kaasoo si fiican kubada u dhameystiri kara wuxuuna yaqaanaa sida loo ciyaaro afaafka goola,” ayuu yiri Lucas Leiva.

Damiao ayaa 74 gool ku dhaliyey 126 kulan waana weeraryahan inta badan ku wanaagsan kubadaha dhaadheer ee madax ah.

Tababre Brendan Rodgers ayaana rajo ka qaba inuu xidigaan bisha Janaayo usoo dhaqajiyo gegeda Anfield.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.