6 qof oo ku dhintay diyaarad ku dhacday Bardaale iyo wararkii ugu dambeeyey

Bardaale (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad galabta ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale ee gobolka Baay, taasi oo dhalisay khasaare nafeed.

Shilkaas ayaa waxaa ku dhintay lix qof oo saarnayd diyaardda, oo sidday xamuul kadib markii ay ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale, sida ay uu sheegay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka ee Konfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed, oo la hadlay idaacadda VOA-da, ayaa xaqiijiyey dhimashada, wuxuuna intaas ku daray in laba ka mid ah dadka ay ahaayeen Soomaaliya, kuwa kalena ajaaniib aan weli la shaacin.

Diyaaraddan ayaa waxaa la sheegay inay lahayd shirkadda diyaaradaha African Express, islamarkaana ay daawooyin gaysay magaalada Bardaale, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan shirkadda.

Diyaaraddan ayaa daawo iyo agab kale oo ay ka mid yihiin sesenyeeri u sidday magaalada Bardaale.

Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Muqdisho iyadoo sii martay magaalada Baydhaba kadibna uga gudubtay magaalada Bardaale.

Weli si rasmi ah looma oga sababta so ridday diyaaradda, waxaana weli socda baaritaan arrintaas la xiriira, sida uu sheegay maamulka Koonfur Galbeed.