Lix wareegto oo uu saxiixay madaxweyne FARMAAJO oo sharci-darro laga dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga digay, sharci-darana uga dhigay lix wareegto oo uu saxiixay madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dhamaaday, kuwaasi oo qaarkood wax ka bedel uu ku sameeyay.

Waraaq kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha oo si gaar ah ugu socotay ra’iisal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada, beesha caalamka, mucaaridka iyo bulshada rayidka, ayaa waxaa looga horyimid shuruucdaasi oo aan la horgeyn Aqalka Sarre, islamarkaana uu saxiixay Farmaajo.

“Goluhu wuxuu si dhow ula socdaa islamarkaasna diiwan-geliyay dhamaan isku-dayo wareegtooyin ah oo lagu dhaqan-gelinayo shuruuc laguna sameynayo hay’addo khilaafsan Dastuurka KMG ah, kuwaas oo aan soo marin Aqalka sarre,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dhamaaday ku eedeyay guddoonku “ku tumasho sharci iyo jabinta hanaanka dastuuriga ah ee xeer-dejinta dalka”.

Lixda sharci ee uu saxiixay Farmaajo, islamarkaana uu kasoo horjeedo Golaha Aqalka Sarre ayaa waxaa kamid ah guddiga madax-banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, Ansixinta wax ka beddelida qoddob kamid ah sharciga lagu dhisay guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka.

Golaha Aqalka Sarre ayaa dhamaan hay’addaha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah DF iyo beesha caalamka ku wargeliyay inay sharci darro tahay la macaamilka hay’addahaas, kuwaasi oo lagu dhisay hanaan baalmarsan dastuurka KMG ah, sida uu sheegay.

“Goluhu wuxuu uga digayaa dhamaan hay’addaha ku magacaaban wareegtooyinkan sharci-darrada ah inay ku howl-galaan ama ku shaqeeyaan wareegtooyinkaasi ayna ilaaliyaan dastuurka iyo xeerarka dalka,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Hoos ka aqriso waraaqda uu soo saaray Cabdi Xaashi iyo Lixda Sharci ee uu ka digay.