Madax isku-sheeg aan damiir iyo danqasho lahayn (Faallo)

Waxaa foolxumo wayn ah in nin aan u dhalan magaalo madaxda Hirshabeele  Jowhar,  ammaano kana sheekeeyo quruxdi ay lahayd berri-samaadki iyo dhibaatada iyo burburka maanta ka muuqda,  iyadoo madaxdii iyo masuuliyiinta u dhashay deegaanka ay iska daawanayaan kana damqanayn dhibaatada haysata dadkooda iyo deegaankooda.

Mr. Dubbe, Xil-gaarsiyaha Wasaaradda Warfaafinta ee booqday magaalada Jowhar, waxna ka qoray afkana ku adkayey in Jowhar ahayd magaalo loo soo dalxiis tago, kana mid ahayd magaalooying ugu quruxda badan Soomaaliya.  Sow ayaan daro ma ah Wasiiradi, Xildhibaanadii iyo Mas’uuliyiintii heer federal iyo maamul goboleed oo leh muxaafid iyo mucaaridba ee matalayey dadka iyo deegaanka Hirshabeele ay iska fadhiya Xamar ayagoo wax dareen iyo damqasho ah ka muuqan.

Marka hadiiba nin ka soo jeeda degaan aad uga fog magaalada Jowhar iyo guud ahaan Hirshabeele sidaas uga damqaday dhibaatada haysata dadka reer Jowhar, kuwii deegaanka u dhashana ee sheeganaya in ay matalaan deegaanka ay hoteelada Xamar soo dhaafi la’yihiin, aniga iima muuqato sabab aan ku eedeeyo Dowladda Federalka.  Waxa keliy oo ii muqda Jowhar iyo guud ahaan dadka Hirshabeele ay arrintooda tahay “Cidna uma maqna, ceelna uma qodna”.

Arrinkaan wuxuu I soo xasuusiyey sheeko uu ii sheegay oday ka soo jeeda Hirshabeele, gaar ahaa Shabeelada Dhexe.  Odaygaas oo ka mid ahaa oday dhaqameeyadi waqtigii xukunka militariga.  Wuxuu ii sheegay in ay u tageen Gen. Mohamed Siyaad Barre ayagoo ergo odoyaal ah codsanayana in xariga laga soo daayo Xildhibaan Cabdullaahi Warsame Nuur.  Xildhibaanka ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu khudbad ka jeediyey kal-fadhi Golaha Shacabka kuna muujiyey dareenkiisi ku saabsan dhibaato loo geeystay degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Odaygi wuxuu ii sheegay in Gen. Mohamed Siyaad Barre uu su’aal na waydiiyey: “Imisa Xildhibaan oo ka soo jeeda Mudug ayaa Golaha Shacabka fadhiyey marka uu Cabdullaahi Warsame ka hadlaayey wixii ka dhacay Mudug?”.  Jawaabta waxay noqotay xildhibaano tiro badan ayaa Mudug ka soo jeeda.  Siyaad Barre su’aal kale ayuu daba dhigay: “Cabdullaahi Warsame muxuu uga hadli waayey baahida Gobolka Shabeelada dhexe u qabo jidad, ceelal iyo horumarinta deegaankiina?”.  Odaygii wuxuu yiri anagoo ku qanacsan hadalkii Gen. Mohamed Siyaad Barre ayaan albaabkiisa ka soo baxnay.

Marka haddii dadki matalayey degaanka Jowhar aysan wax danqasho aysan lahayn, wax keliya aan leenahay Allaha U Naxariisto dadka ka soo jeeda Jowhar.  Madaxda deegaanka, kuwa federaalka, dhamaan mas’uuliyiinta muxaafid iyo mucaarid waa danaystayaal fiirsada danoohooda gaarka ah.  Alloow Sahal Umuuraha.

Wabilaahi Toowfiiq.

Qore: Abdirashid Ali
ab_ali14@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid