Sacuudiga oo qorsheynaya isbeddel lama filaan ah oo la xiriira xeerka xilliyada salaadda

Riyadh (Caasimada Online) – Golaha Shuurada Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa qorsheynaya cod u qaadista ka noqoshada go’aanka ah in la xiro meelaha ganacsiga ah inta lagu jiri xilliyada salaadaha sida lagu daabacay wargeysyada kasoo baxo dalkaas.

Wargayska Okaz oo soo xiganaya ilo aan la magacaabin ayaa sheegay in talo bixinta ah inaan goobaha ganacsiga la xirin waqtiyada salaad  ay soo gudbiyeen wakiilada kala ah Atta Al-Subaiti, Faysal Al-Fadil iyo Latifa Abdul Karim.

Talo soo jeedintaan ayaa waxaa wasaaradda wasaaradda Arrimaha Diinta ee Dowladda Sacuudiga looga codsaday inaysan ku qasbin goobaha ganacsiga, xurumaha Shidaalka iyo farmashiyaasha in la xiro xilliyada saalada, maalin kasta marka laga reebo Saalada Jimcaha.

Dadka talo soo jeedintaan soo gudbiyey ayaa cuksaday dhowr sababood oo ay kamid tahay in xiridda xarumaha ganacsiga xilliyada salaadda ay tahay nidaam cusub oo u gaar ah boqortooyada, taasoo aysan la wadaagin dhammaan wadamada carabta iyo kuwa Islaamka intaba.

Talada ayaa lagu sheegay in go’aanka ay Boqortooyada hirgelineysay muddo tobanaan sano ah, uu ku saleysnaa sharciga mid ka mid ah hay’adaha dowladda, iyadoo talada lagu xusay in aysan jirin Aayad qur’aan ah ama Xadiith waajib ka dhigayo arrintaan.

Sidoo kale talo soo jeedintaas ayaa lagu sheegay in go’aanka ah in la xiro dukaamada inta lagu jiro waqtiga salaadda uu dhaawacayo danaha dadka, taasoo ay ku sheegeyn inay ka soo horjeeddo nuxurka diinta.

Talooyinkaasi waxay ku yimaadeen macnaha guud ee geeddi-socodka “dib-u-habeynta” ee uu bilaabay Amiir Maxamed bin Salmaan, waxaana isbadal lagu sameeyey dhowr waxyaabood tan iyo markii uu Maxamed Bin Salman qabtay xilka loo magacaabay ee Dhaxalsugaha Boqortooyada sanadkii 2017.

Dib u habeynta uu Maxamed Bin Salman ku sameeyey Sacuudiga ayaa waxaa kamid ah in la yareeyey awooddii Hey’adda Faridda wanaagga oo aheyd hey’ad awood buuxda ku leh fulinta waxyaabaha la xiriira dhanka Diinta, waxaana laga takhalusay waxyaabo badan oo u gaar ahaa boqortooyada oo ay ugu horeyso xagga xorriyadda Haweenka.

Wax ka yar bil ka hor, Dowladda Sacuudiga ayaa soo saartay go’aan lagu xaddidayo adeegsiga sameecadaha Masaajidda, taasoo khilaaf weyn ka dhex dhalisay Sacuudiga, laakiin dowladda ayaa ku doodday in dheereynta sameecadaha Masaajidda  aysan ahayn waajib, laakiin ay tahay dadaal.