25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Loolan xooggan oo loogu jiro xilkii uu baneeyay Xuseen Macallin – Yaa ugu cad cad?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa durba soo baxaya loolan xooggan oo loo galay xilka uu baneeyay La-taliyihii amniga qaranka, Xuseen Macallin Maxamuud.

Xubno dhowr ah ayaa xilkaan ku loomaya, iyadoo soo baxayaan warar sheegaya in musharrixiinta ugu cadcad ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, haatanna ah Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Xuseen Macallin ayaa dhawaan iska casilay xilkaan, kadib markii uu warqadda is-casilaadda u gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Go’aanka Xuseen Macallin ayaa la sheegaya inuu yimid xilli uu jiray khilaaf soo dhex-galay isaga iyo Madaxweynaha, taas oo sababtay in uu hoos u dhacdo wada-shaqeyntii labada dhinac ee arrimaha amniga qaranka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in markii hore Madaxweyne Xasan Sheekh uu isku dayay inuu ku qanciyo Xuseen in uu xilka sii hayo, balse ugu dambeyntii uu go’aansaday inuu shaqada ka tago. Xuseen ayaa xilkan hayay tan iyo bishii May 2022, markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan.

Xuseen Macallin oo ah walaalka Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Xasan Macallin, ayaa is-casilaaddiisa ku caddeeyay bartiisa X (ex-Twitter), taasoo si cad u muujisay inuu shaqada ka tagay.

Xuseen iyo miisaanka uu ku lahaa amniga qaranka

Xuseen Macallin waxaa lagu yaqaan khibrad ballaaran oo ku saabsan arrimaha amniga. Wuxuu soo maray xilal muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  • La-taliye Amni oo Madaxweyneyaashii hore
  • Xubin Golaha Amniga Qaranka
  • Xilal sare oo hay’adda NISA ah

Khibraddiisa dheer waxay ahayd sababta Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu doortay inuu noqdo La-taliyaha Amniga Qaranka 11 maalin kadib doorashadiisii.

Maxay ka dhigan tahay is-casilaadiisa?

Is-casilaadda Xuseen waxay calaamad u tahay xasillooni-darrada siyaasadeed ee ka dhex jirta Villa Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato hannaanka dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab, maadaama xilkan uu muhiim u yahay isku xirka hay’adaha amniga.

- Advertisement -

Read more

Local News