Loolanka dowladaha Qatar iyo Imaaraadka ee Somalia oo xoogeystay + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay ka wadaan safiirada qaar ka mid dalalka Carbeed ee xiriirka la leh Soomaaliya, gaar ahaan Qatar iyo Isu Tega Imaaraadka Carabta.

Labada Safiir oo uu fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa bilaabay abaabul xoogan, kadib doorashadii 15-kii May, si mid kasto uu dalkiisa ugu xoog bato dowladda cusub.

Kulamada ay wadaan labada nin ee ka socda Dooxa iyo Abu Dhabi ayaa u muuqdo kuwa is daba socda, sida ka muuqata shirarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay caasimada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Alcusmaan, waxayna ka wada-hadleen adkeynta xiriirka labada dal, sidii ay dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee haatan ka socda gudaha Soomaaliya.

Maalin, kadib oo maanta ah isla Cabdi Xaashi ayaa waxaa u tegay oo kulan ay wada yeesheen safiirka Qatar, Danjire Xasan Bin Xamze Haashim, waxayna ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo in Qatar ay kaalin ku yeelata gurmadka abaaraha dalka.

Shantii sano ee la soo dhaafay Qatar ayaa xiriir xoogan la laheyd dowladdii hore ee uu hoggaaminayey Farmaajo, waxayse hadda u muuqataa in Imaaraadka uu booskaas kala wareegi doono, marka la eego dhaq dhaqaaqyadiisa ee uu haatan ka wada gudaha dalka.

Si kastaba, arrimahan oo idil ayaa kusoo aadaya, xilli uu dalka ka dhacay isbedel weyn oo siyaasadeed, kadib doorashadii Madaxweynaha ee magaalada Muqdisho ka dhacday 15-kii bishii hore May, 2022-ka, taas oo uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.