Lukas Podolski oo ka cawday inay Arsenal ka ciyaarsiiso boos uusan ku wanaagsaneyn.

Lukas Podolski ayaa daaha ka qaaday inuusan la dhacsaneyn booska uu ka ciyaaro kooxdiisa Arsenal.

Tan iyo markii uu Koln kasoo dhaqaaqay intii lagu jiray xagaaga, weeraryahanku wuxuu ka ciyaarayey garabka bidix, Theo Walcott ayaana horay u codsaday in laga ciyaarsiiyo booska gool dhalinta isagoona ku xiray qandaraas cusub oo ay kooxdu ka hesho.

Walcott ayaa sedaxley shaqaba cuskiyey kulankii 7-5 ay Arsenal Capital One Cup-ka guul kaga gaartay Reading wuxuuna markaasi ka ciyaarayey booska weerarka dhexe Podolski ayaana rajo ka muujinaya in isna booskiisa la siiyo maadaama uu ku dhiban yahya ka ciyaarista garabka.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ka ciyaaro booska weerarka dhexe,” ayuu yiri xidiga reer Jarmal.

“Garabka bidix waa inaan shaqo badan oo daafac ah qabtaa, waa inaan si joogto ah horay iyo gadaal ugu ordaa. Mana ihi ciyaaryahan ku wanaagsan garabka.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.