Ma dhabaa in Camey uu Puntland uga dhoofay khilaafka C/Weli Gaas

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno madaxtooyada maamulka Puntland ayaa sheegaya in Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Cameey uu Safar kedis ah ku baxay.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Camey uu u safray caasimada dalka Zambia ee Lusaaka, kadib markii ay is khilaafeen Hogaamiyaha maamulka C/weli Gaas oo Safar shaqo ku jooga magaalada Kismaayo.

Safarka Cameey ayaa la sheegay inuu yahay mid la xiriira Khilaafka kala dhexeeya C/weli Gaas.

Cameey ayaa safray xili uu ahaa kusimaha Hogaamiyaha maamulka iyadoo aan jiri wakiil rasmi ah oo sii haya xilka, sida laga soo xigtay ilo wareedka aan xogtaan la wadaagnay.

Khilaafka C/weli Gaas iyo Cameey ayaa gaaray heerkii ugu xumaa waxaan la soo warinayaa in Hogaamiye Gaas uu ka shaqeynaayo sida Ku-xigeenkiisa Cameey ku weyn lahaa xilka.

Khilaafka labada mas’uul ayaa ka dhashay arrinta Khilaafka Khaliijka, waxaana xigay in Cameey uu sidoo kale carqaladeeyay qorshaha ay Puntland uga qeyb galeysay shirka Kismaayo.

Ma cadda halka uu ku biya shuban doono Khilaafka Hogaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa, walow Puntland ay isku diyaarineyso xili doorasho.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com