Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa siyaabo kala duwan u shaacisay inay ciribtirtay Musuq-maasuqa ka dhex jira Xarumaha dowlada ee loo geysto xuquuqada ciidamada iyo shaqaalaha dowlada.
Dowladu waxa ay sheegtay in muddo kooban ay kusoo afmeertay Musuqa ka jiray dalka, gaar ahaan Xarumaha dowlada, waxaana soo ifbaxeysa inuu weli taagan yahay musuqa ay dowlada sheegtay inay la dagaalantay.
Musuqa ugu badan ayaa la rumeysan yahay inuu weli taagan yahay waxaana muddo Seddex bil ah aan mushaar lasiin qaar kamid ah shaqaalaha dowlada iyo ciidamada u taagan xoreynta dalka.
Mushaaradka shaqaalaha iyo ciidamada ayaa la xaqiijiyay in la biyay hal bil oo qura, halka Seddexdii bil ee hartay aan la bixin xuquuqda shaqaalaha iyo Ciidamada Qaranka.
Musuqa ugu badan ayaa ilaa iyo hadda ka dhex jira Xarumaha laga maamulo ciidamada iyo tirro wasaarado oo aan laga bixin dhaqaalaha loogu tallo galay in lasiiyo dadka u dhabar adeegaya howlaha Qaranka.
Xog uruurin aan ku sameynay ilaa dhowr xarumood oo ka tirsan dowlada ayaa waxaa laga soo warinayaa inaan laga bixin Xuquuqda shaqaalaha, sababo la xiriira Musuqa oo weli taagan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan la xaqiijin karin in xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada ay kasoo baxday Wasaarada Maaliyada iyo in kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]