Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Xarunta Villa Somalia ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu xil ka qaadis ku sameyn doono mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golaha wasiirada iyo Agaasimayaal wasaaradeed.
Madaxweyne Xassan ayaa isbedelkaani ku doonaaya inuu ku abuuro Xukuumad u badan Mas’uuliyiin aan lidi ku aheyn Siyaasadiisa, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in isbedelka ugu badan uu saameyn doono Agaasimayaasha Wasaaradaha.
Wasiirada uu saameyn doono isbedelka ayaa la tilmaamay inay ku egyihiin ilaa Seddex Wasiiro iyo ku-xigeeno cagsi ku ah Siyaasada uu daadihinaayo Xassan Sheekh kuwaasi oo laga cabsi qabo inay arbushaan Siyaasada qarsoodiga ah ee uu jilaayo Xassan Sheekh.
Agaasimayaasha uu saameyn doono isbedelka ayaa waxaa kamid ah sida Agaasimahaasha guud ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Gudaha, Maaliyadda, Cadaalada iyo Amniga, kuwaasi oo ay wararku sheegayaan in lagu kala bedeli doono Xubno ku dhow dhow Xassan Sheekh kuwaasi oo tan iyo markii Xassan la doortay aan kasoo dhexmuuqan Siyaasada.
Xassan Sheekh ayaa Ra’isul wasaare Cumar kula balamay in Agaasimayaashaasi uu isbedel ku sameeyo.
Isbedelka u qorsheysan Xassan Sheekh ayaa waxaa loola gol leeyahay in Xassan uu shaqsiyaad ku dhow dhow ku dhex abuuro Dowlada, si haddii laga guuleysto uu u eegto shaqsiyaadkaasi.
Docda kale, waxaa suuragal ah in isbedelka uu intaa ka yaraado, iyadoo uu qorshuhu yahay in Isbedelka uusan halmar dhicin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]