32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Ma dhabbaa in xildhibaannada XASAN taageersan ay faarujiyeen xarunta BF?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xildhibaanada taageersan Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ay bilaaben inay faarujiyaan gabi ahaan Xarunta Baarlamaanka.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Xildhibaanada Mooshinka waday ay caro uga baxeen Xarunta kadib markii ay suuro gali weysay inay meel mariyaan Mooshinka xilka looga tuuri lahaa R/W C/weli Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa la saadaalinayaa inuu kusoo idlaandoono Fashil, iyadoona ay ishu qabaneyso Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ku wacad maraayo inaysan usoo xaadiri doonin Arrin la xiriirto Mooshinada.

Waxaa hadda la soo sheegayaa in Xildhibaanada Taageersan R/W C/weli ay dalbadeen Qado, si ay u galaan nasiin, halka qaarka kalane ay banaanka uga soo baxeen Hoolka.

Dhanka kale, waxaa Rajo xumi laga muujinayaa qaabka uu maanta u furmay kulanka oo ka duwan nidaamkii looga bartay, inkastoo arrintaani ay kulan deg deg ah ka yeelanayaan saacadaha soo socda Madxaweyne Xassan iyo Jawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News