‘Ma dhici karto in magaalo kale loo raro doorashada Garbahaarey hal arrin darteed’

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee Jubbaland ayaa dhawaan shaaciyey in muddo labo toddobaad gudahood ay ku qabanayaan doorashada 16-ka kursi ee u dambeysa kuraasta Jubbaland ku metalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraastaas ayaa ah kuwa u astaysnaa in lagu qabto magaalada Garbahaarey, balse warqadda guddiga meelna loogama xusin goobta lagu qaban doono kuraastan, waxaanq hadda soo baxaya khilaaf hor leh oo ka taagan halka lagu qabanayo doorashada kuraastaas.

Waxaa jira warar aad la’isula dhexmarayo oo sheegaya in Jubbaland ay qorsheynayso in doorashada kuraastan ku qabato meel aanan Garbaaharay ahayn, waxaana si gaar ah loo qeexay Ceelwaaq.

Dalal Cilmi oo ka mid siyaasiyiinta beesha degta Gedo oo wareysi siiyay telefishanka Somali Cable ayaa sheegay in marnaba aysan suurta-gal aheyn in kuraasta 16-ka ah lagu qabto meel ka baxsan Garbahaarey, si waafaqsan heshiiskii doorashada ee 17-kii September.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Axmed Madoobe iyo Reer Gedo ay ka dhaxeyso tabasho hore, sidaas darteedna aan la rari karin kuraasta taalla Garbahaarey, isaga oo ku dooday in magaalooyin ka amni xun lagu qabtay doorashada Golaha Shacabka.

“Kuraasta 16-ka ah waxaa lagu qabanaya Garbahaarey oo deegaan doorasho ah. Sabab ay uga qabsoomi weydo Garbahaarey majirto xataa haddii la dhihi lahaa dhanka amniga, waxaa jiray magaalooyin uu dhiig ku daatay oo rasaasta ay dhaceyso ayey ka dhaceen doorashooyinka,” ayuu yiri.

“Hadda ima muuqato meel kale oo la marin karo (kuraastaas), waxaa ognahay in Guddiga heer SEIT ee Jubbaland uu soo gudbiyay jadwalkii. Markaa ninka aan meesha kusoo qorin Garbahaarey magaalada kale ee uu la doonayo isaga laga raba inay ka yeerto.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Garbahaarey ay tahay deegaan doorasho oo aan marnaba laga wareejin karin kuraastas, ayada oo maalmihii dambe ay soo baxeysay in maamulka Axmed Madoobe uu qorsheynayo in uu kuraastaas u wareejiyo magaalo kale.

Maamulka Jubaland ayaa ku doodaya in Garbahaarey aanay doorasho ka dhici karin, maadama ay gacanta ugu jirto ciidamada federaalka, halka maamulka gobolka Gedo ee taabacsan Villa Somalia uu ku doodayo in Garbahaarey u diyaarsan tahay doorashada inay ka dhacdo.

Si kastaba, Degmooyinka gobolka Gedo marka laga reebo degmada Ceelwaaq inta kale dhamaan waxay hadda hoostagaan dowlada federaalka, waxaana muuqata in arrintani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.