Tallaabo Ruushku sheegay inuu ka qaadayo Mareykanka oo cabsi xooggan abuurtay

Moscow (Caasimada Online) – Russia ayaa Khamiista maanta ah uga digtay Mareykanka inay Moscow ay halka uu mudan yahay dhigi doonto dalka ah quwadda koowaad ee adduunka, ayada oo ku eedeysay Reer Galbeedka inay abuurayaan shirqool Ruushiyaan naceyb oo lagu kala dhantaalayo Ruushka.

Dmitry Medvedev, oo 2008 illaa 2012 ahaa madaxweynaha Ruushka, haddana ah xoghaye ku-xigeenka Golaha Ammaanka Ruushka, ayaa sheegay in Mareykanka ay kiciyeen Ruushiyaan naceyb “laga yaqyaqsiyoodo” si ay jilbaha ugu dhigaan Russia.

“Taasi ma shaqeyn doonto – Russia waxay dhammaan cadowgeeda dhigi doontaa halka ay mudan yihiin,” ayuu yiri Medvedev.

Tan iyo markii Russia ay ku duushay Ukraine 24-kii Febraayo, Mareykanka iyo xulufadiisa Yurub iyo Asia ayaa cunaqabatayno xooggan kusoo rogay hoggaamiyayaasha Russia, shirkadaha, iyo gacasatada, waxayna Moscow ka gooyeen inta badan dhaqaalaha adduunka.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray howlgal militari oo gaar ah oo ka socda Ukraine uu yahay lagama maarmaan, sababtoo ah Mareykanka wuxuu Ukraine u adeegsanayey inuu halis geliyo Russia, waxaana Russia qasab ku noqday inay difaacdo “xasuuqa” ka dhanka ah dadka ku hadla luuqadda Ruushka ee Ukraine.

Ukraine waxay sheegtay inay u dagaalmaeyso badbaadinta jiritaankeeda, islamarkaana sheegashooyinka Putin ee xasuuq ay yihiin wax aan jirin. Reer Galbeedka ayaa iyaguna sheegay in hadalka ah inay doonayaan inay kala dhantaalaan Russia uu yahay qiyaali.

Russia waxa ay sheegtay in inkasta oo la saaray cunaqabatayno, haddana ay xaalad wanaagsan ku sugnaan karto ayada oo aan u baahan Reer Galbeedka iyo Mareykanka “khiyaanada badan.”

Waxa ay intaas ku dartay in isku daygeedii ahaa inay xiriir wanaagsan la yeelato Reer Galbeedka kadib burburkii Midowga Soviet ee 1991-kii uu hadda dhammaaay, ayna xiriir wanaagsan hadda kadib la hormarin doonto quwadaha kale ee caalamka, sida Shiinaha.

Hanjabaadda cusub ee Ruushka ayaa waxaa ka horreeyey ayada oo shalay madaxweynaha Mareykanka uu “dambiile dagaal” ugu yeeray madaxweyne Putin.

Erayadii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku qeexay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ahaa “dambiile dagaal” sababo la xiriira howlgalka militari ee Ukraine waa “mid aan la aqbali karin lana cafin doonin,” waxaa sidaas sheegay Kremlin-ka.

Biden ayaa Putin ku calaameeyey “dambiile dagaal” Arbacadii kadib markii uu daawaday muuqaallo argagax leh oo laga soo duubay duulaanka Ukraine.

Waxa ay aheyd markii ugu horreysay ee Biden uu weedhaas ku calaameyo Putin, waxaana madaxweynaha Mareykanka uu sii kordhiyey weerarkiisa isaga oo twitter-ka soo dhigay in Putin “uu argagax iyo burbur ka wado Ukraine isaga oo duqeynaya dhismooyin shacab iyo isbitaallada ay haweenku ku umulaan.”

Kremlin-ka ayaa jawaab caro leh ka bixiyey ereyada madaxweynaha Mareykanka.

“Waxaan aaminsannahay in oraahda noocaas ah ay tahay mid aan la aqbali karin oo aan la cafin karin oo ka timid madaxweyne dal, oo bambooyinkiisa ay dileen boqolaal kun oo qof oo dunida dacalladeeda ku kala sugan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Putin Dmitry Peskov.

Caalamka ayaa hadda indho cabsi leh ku eegaya xiisadda kasii dareysa ee labada dal ee ugu quwadda weyn caalamka, ayada oo laga cabsi qabo inuu dagaal toos ah ka dhex qarxi karo.

REUTERS + VOA