Ma guuleysan doonaa isbaheysiga cusub ee uu Farmaajo dhisayo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjire Maxamed Caalim oo kamid ah dadka ka faallooda siyaasadda arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha laga damacsan yahay shirka ka dhacaya Baydhabo ee ay leeyihiin madaxda siyaasadda ee Beelaha Dir, Digil iyo Mirifle, halkaasi oo la rabo in lagu dhiso isbaheysi Farmaajo taageera.

Danjire Caalim ayaa sheegay haddii uu shirkaas ku qotomo sida soo baxeysa ee uu ka dambeeyo Farmaajo uusan guuleysan doonin, islamarkaana ay fashil ku noqoneysa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

“Waxay sii xoogeysaneysa carqaladaha siyaasadeed ee dalka, maadama markii hore aysan Nabad iyo Nolol aheyn koox siyaasadeed. Hadii siyaasadu dhaafto kooxeysi dhibaatadeeda ayey leedahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qorshaha laga leeyahay shirka Baydhabo ay sii daahinayaan doorashooyinka dalka, oo dhowr jeer uu ku yimid dib u dhac.

“Umaleyn maayo siyaasadan qabiilka ku dhisan, maadama aysan jirin Dir ama Digil iyo Mirif wax ku heshiiyay, waxay daahinayaan dadkii doonayey in doorasho dhaqso loo qabto.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay madaxda hogaaminaysa Dir, Digil iyo Mirif inay ka waantooban carqaladeyn kale oo ay sameeyaan, xili ay dalka ka socoto doorashooyin dhowr jeer dib u dhacay.

“Waa in lagu mashquulin xil lagu raadinayo xil lagu boobo xoolo ee waa in la helo xil lagu raadinayo xal. Waxaa u rajeynaya in dadka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystan fadliga bisha Ramadaan ee soo socota iyo fadliga bisha Shacbaan ee lagu jiro oo ay marxalada dalka, dadka loo daneeyo iyo abaaraha.”

Dhawaan unbey aheyd markii uu Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta, haatana ka mid ah xubnaha loo doortay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu shaaciyay in Beelaha Dir, Digil & Mirifle ay dhowaan ku heshiiyeen in marka ay dhammaato doorashada socota la xoojiyo isbaheysigooda gaarka ah.

Sidoo kale uu ka shifay qorshaha shirka ay ku leeyihiin Baydhabo, isaga oo tilmaamay inuu ku saabsan yahay wax ka beddalka awood qaybsiga xilalka dowladda, gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Villa Somalia oo taageero badan ka heysata Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay fashilineyso sameynta isbaheysiga Xildhibaanada Dir, Digil iyo Mirifle, loona bedelayo shirka Baydhabo mid Farmaajo loogu ololeeyo.