25.7 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Ma Itoobiya iyo Kenya ayaa ka dambeeya safarka Xasan Sheekh ku joogo Kismaayo?

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo. Ujeeddada booqashada madaxweynaha ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya maamul-goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaan la ogeyn waxa ay ka wada hadleen, balse waxaa la sheegay inay dhici doonaan kulamo kale.

“Kulamo kale ayaa socda oo labada hoggaamiye u dhaxeeya. Dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa waxa ka soo baxa marka uu dhammaado wadahadalka, balse ilaa hadda ma jiraan wax aan idin sheegi karno,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta maamulka Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar.

Warar kale oo aan ka helnay magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kulanka lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ay qayb ka yihiin dalalka gobolka. Wufuud ka kala socda Itoobiya iyo Kenya oo la sheegay inay dhexdhexaadinayaan ayaa ku sugan magaalada Kismaayo.

Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa muddo soo jiitamayay, wuxuuna soo billowday 2024-kii hore markii maamulka Jubbaland uu soo saaray liiska xubnaha guddiga doorashada, iyadoo Dowladda Federaalka ay doonaysay in la mideeyo doorashooyinka heer federaal iyo maamul-goboleed ee dalka oo dhan.

Markaas kadib, qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayey ku cambaareysay tallaabadaas, waxayna ku sheegtay “tallaabo sharci-darro ah” in Madaxweyne Axmed uu magacaabay guddiga doorashada ee Jubbaland.

Doorashadii markii ay dhacday ee lagu doortay Madaxweyne Axmed, ayay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka sheegeen in doorashadii ka dhacday Jubbaland ee dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay tahay mid sharci-darro ah, isaga iyo xubnihii doortayba.

Dowladda ayaa ugu yeertay Axmed Madoobe “hoggaamiye hore”. Dhammaan tallaabooyinkii la xiriiray doorashadaas ayaa Xukuumadda Federaalka ku tilmaantay kuwo aan sharciga waafaqsanayn.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka waxay sheegtay xilligaas in “dastuurka Jubbaland uu dhigayo in wax labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaamin karin maamulka, halka Axmed Madoobe uu is-dooranayo markii saddexaad.”

Khilaafka ayaa ka sii daray iyadoo Golaha Wasiirrada ay dalbadeen in maxkamad la horgeeyo Axmed Madoobe. Qoraal ka soo baxay Golaha Wasiirrada ayaa sidan lagu sheegay:

“Golaha Wasiirrada waxa uu farayaa Garsooraha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in uu si degdeg ah uga howl-galo horgeynta Maxkamadda Sare ee dalka dacwad lid ku ah dhammaan tallaabooyinka aan waafaqsanayn xeerarka doorashooyinka dalka ee Axmed Madoobe uu qaaday,” ayaa lagu yiri qaraarka ka soo baxay Xukuumadda.

Wixii markaas ka dambeeyay, maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka xiriirkoodu wuu sii xumaaday. Jubbaland waxay soo saareen 10-kii November sanadkii hore qoraal ay ku sheegeen inay jareen xiriirkii wada-shaqaynta ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ku eedeysay maamulka Jubbaland in ay ciidamo u daabuleen deegaannada ay dowladdu geysay ciidamo ee gobolka Jubbada Hoose, si ay u dagaallamaan labada ciidan. Dagaallo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Gedo bishii July ee sanadkan, gaar ahaan magaalada Beled Xaawo, ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya waxay qabaan in khilaafka maamul-goboleedyada iyo Dowladda Dhexe uu inta badan la xiriiro dhanka awoodaha.

“Arrimaha dhabta ah ee la isku hayo Soomaaliya ma ahan shakhsiyaadka, ee waa marka ay timaaddo awoodda Federaalka iyo awoodda dowlad-goboleedyada sida loo kala yeelanayo iyo cidda maamuleysa. Kuma koobna oo keliya arrimaha doorashada; markaad eegto arrimaha amniga, markaad eegto waxbarashada iyo dhammaan hay’adaha dowliga ah waa kuwo is-haya, is-murmayana oo aan awoodda heshiis ku ahayn. Marka taas ayey dhabarka ku haysaa,” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar, oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya kana hadlayay khilaafaadka u dhexeeya maamullada iyo Dowladda Dhexe.

Intii khilaafku u dhexeeyay Jubbaland iyo Dowladda Dhexe uu socday, waxaa jiray ergo ka kooban siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Kenya iyo ururrada gobolka oo bilaabay dhexdhexaadin dhinacyada si khilaafka loo xalliyo, sida lagu sheegay qoraallo lagu daabacay bogagga Facebook ee xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada Jubbaland. Maxamed Cabdi Afey, Maxbuub Macallin, iyo Cabdiraxmaan Cali Xasan (Colow) ayaa ka mid ahaa dadka la sheegay inay dhexdhexaadinta qayb ka ahaayeen.

Ma ahan markii ugu horreysay ee Axmed Madoobe iyo Dowladda Dhexe ay iska horyimaadaan. Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa horey isku khilaafay doorashadii labaad ee maamulka uu qabtay.

- Advertisement -

Read more

Local News