Ma la socota ahmiyada uu shirka London u leeyahay Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Bisha soo socota ee May waxaa la filayaa in shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya uu ka furmo magaalada London ee dalka UK, waxaana shirkaasi ka qeyb galaya madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Shirkaasi Soomaaliya ayaa wuxuu ugu fadhiyaa ahmiyado badan, balse waxaa jiro damac dowladda Ingiriiska ay ka leedahay dalka Soomaaliya oo horey ay u gumeysatay qeybo kamid ah.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegaya in shirkaasi uu Ahmiyad u leeyahay dalka Soomaaliya, marka loo eego qorshah fog ee laga leeyahay shirarka ay qabaneyso dowladda UK.

Ugu horeyn dowladda Ingiriiska ayaa dooneysa in laga faa’ideysto Kheyraadka ku jira Soomaaliya, waxaana ay damacsan tahay in la sameeyo ceelal shidaal iyo ka manaafacida kheyraadka dhanka badda.

Balse waxaa arintaasi aysan u cuntameynin oo horumarka dhanka Shidaalka hortaagan dowladda Sacuudiga oo taageero ka heleysa dowladda Mareykanka, maadaama Sacuudiga uu ka baqayo in suuqa shidaalka uu noqdaa Soomaaliya, shidaalkisana uu raqiis noqdaa.

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim ayaa qaba fikrad ah in dowladda UK ay u wanaagsan Soomaaliya oo ay dooneyso in horumar laga sameeyo  gudaha dalka, balse Soomaalida aysan laheyn fikradii ay kaga faa’ideysan laheyd.

“Shirkani Ingiriiska ayaa aad u daneynaya wuxuuna doonayaa in madaxda Soomaaliya inuu mideeyo, kheyraadka in la soo saaro ayaa la filayaa arrintaas inkastoo Sacuudiga uu raalli ka ahayn maadaama uu ka cabsi qabo in qiimaha shidaalka uu hoos u dhaco” ayuu yiri Diblumasi Maxamed Caalim.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa shirkaasi ka dhaca magaalada London ka qeyb galaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com