Ma rumeysaneysaa in Cali Maxmed Geedi uu waayay 10 kun oo dollar oo uu doorasho ku galo? (Aqri xogtan).

Shantii September, waxaa magaalada Muqdisho gaaray ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi, oo waqtigaas sheegay inuu yahay musharax madaxweyne.

Hase yeeshee 9-kii September, waxaa la arkay Cali Maxamed Geedi oo dhex taagan xafaladdii labada Shariif ee lagu taageerayay Shariif Sheikh Axmed, isaga oo taageero u ah Shariif.

Haddaba wixii markaas ka dambeeyay Caasimada Online, waxa ay qabtay su’aal ay jawaab u raadineysay oo ahayd, sababta Geedi ka reebtay musharaxnimadiisa, waayo si cad uma uusan sheegin inuu ka haray tartanka, waxaana la arkay kaliya isaga oo ah musharax, balse mid kale taageeraya.

22 malamood kadib, waxaan soo helnay jawaabta su’aasheena oo ah in Cali Maxamed Geedi, uu waayay 10-kii kun ee shuruudda looga dhigay musharaxiinta.

Waan ognahay way adag tahay inaad aaminto in Ra’iisul Wasaarehii hore ee Somalia, oo lacag malaayin dollar ah la rumeysan yahay inuu heysto inuu weyn karo 10-kun oo dollar, hase yeeshee waxaa jira arrimo macquul ah oo aan ogaanay oo taasi keentay.

Sida ay leedahay xogteena, Mr. Geedi waxaa dhammaan lacagtiisa ku qoran oo ay ku jirtaa account bankiga xaaskiisa oo ku yaalla Nairobi, sidaa darteedna, waxaa ilo wareedyo ay inoo sheegeen in ayada ay diiday inay lacagtaas bixiso.

Dad arrintan xog ogaal ah ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay markii u xilka ka dagay Mr. Geedi ay lacagtiisa hoos usii dhaceysa oo qarash badan uu ka baxayay, xilli islamarkaana aanay waxba soo galeyn maadaama uu xilka ka degay.

Sidaa darteed xaaskiisa ayaa ku adkeysatay inaysan bixineyn lacagtaas ayada oo cudur daar u sameysatay arrintaas, una sheegtay odaygeeda.

Waxa ay ku qancisay in xitaa haddii ay bixiso 10-ka kun weli loo baahan lacag kale oo lagu laaluusho xildhibaanada, taasi oo ay tiri inay gaari doonto boqolaal kun, waxaana ay u sheegtay inay caddahay inaanu Mr. Gedi ku guuleysan doonin doorasho, sidaa darteedna aysan meel cidla ah lacag ku bixineyn.

Ilo-wareedyada ayaa inoo sheegay in markaa kadib Mr. Gedi uu qancay, sidaasna uu uga haray doorashda.