Realmadrid Oo Guulweyn Ka Gaartay Deportivo La Coruna iyo Ronaldo Oo Hat-tric ka kacay

Naadiga Realmadrid ayaa xalay waxaa u suurta gashay ineey guul weyn ka gaarto kulan katirsanaa horyaalka Spain oo ay laciyaartay dhigeeda Deportivo La Coruna,Real oo xalay marti lo ahaa ugu danbeyntii waxay 5/1 ku garaacday Deportivo,xidigihii xalay kadhexmuuqday kulankaas waxaa kamid ahaa C.ronaldo oo dhaliyay goolasha lo yaqaan 3-leeyda.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay layaab kadib markii Real Looga hormaray gool uu dhaliyay xidiga Deportivo ee lagumagacaabo “Riki’daqiiqadii 16-aad,laakiin wiilasha Mourinho ayaa si degdeg ah kaga jawaabay goolkaas kadib markii uu gool kulaad usaxiixay xidigooda C.ronaldo,waxaana rigooradaas lagu galay Dimaria oo uu daafaca Deportivo ku jilaafay xaruunta ganaaxa.

Ciyaartoyda Realmadrid ayaa sii laba laabay weerarka ay ku hayeen Goolka Deportivo waxaana usuurta gashay ineey helaan goolkoda 2-aad oo uu usaxiixay Angel Dimaria kadib baas aad u qurxanaa uu kahelay saxibkiis Luka Modric,sidokale waxaa 3/1 ciyaarta kadhigay C.ronaldo oo madaxa ku dhaliyay goolkiisa 2-aad.

Kadib markii laysku soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa Realmadrid waxay sii xoojisay weerarka ay ku hayeen Goolka Deportivo,waxaana daqiiqadii 66 ay heleen Goolkii 4-aad,waxaana markan madaxa kusaxiixay daafaca birta ah ee Pepe kadib karoos uu kahelay Xabi Alonso,daqiiqao kadib ayay Real hadane heshay Gool ku laad kadib markii uu mid kamid ah daafacyada Deportivo gacanta ku taabtay kubad,waxaana gool kulaadkaas ay heshay Real gool ubadalay C.ronaldo oo xalay dhaliyay goolasha lo yaqaan Hat-tric waxana uu hada leeyahay 6-gool.