Madaxwaynaha Somalia oo Booqosho ku tagaya 3 Gobol oo dalka ah.

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in Maanta booqashadiisa ugu horaysay uu ku baxo waxaana la tilmaamayaa in Madaxwaynaha uu booqon doono gobolo ka tirsan Dalka.

Ilo Xog ogaal ah oo aynu Saakay ka helayno Xarunta Madaxtooda Vila Soomaaliya oo uu dagan yahay Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa xaqiijinaya  in Madaxwaynaha Safar uu ku jiro.

Sadax Gobol oo ka Tirsan dalka Soomaaliya ayuu qorshaynayaa Xasan sheekh Maxamuud inuu maantaba gaaro.

Gobolada Madaxwaynaha Soomaaliya uu gaari doono ayaa waxaa kamid ah Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaana maanta Degmadaas gudaha iyo banaanka la dhigay Ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale waxaa uu safaro kale uu ku tagi doona Magaalada Beledweyne oo ay ku dhufteen Mudo lagu qiyaasay afar maalmood ka hor Daadadka fataahada Wabiga shabeele oo dad iyo Xoolaba ay ku dhinteen.

Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland ayaa kamid ah Socdaalka Madaxwaynaha Soomaaliya.

Madaxwayne Faroole ayuu la kulmi doonaa Xasan sheekh waxaana uu kala hadli doonaa Arinta Ra’iisul Wasaaraha uu dooranayo dhawaan oo sida wararka ay sheegayaan uusan ka soo jeedi doonin Puntland.

Booqashadan ayaa Noqonaysa tii ugu horaysay ee Madaxwaynaha uu ku tago Gobolada dalka tan iyo markii loo dhaariyay Xilka uu hayo.