Ma saxan tahay wadadda ay DF u martay ceyrinta wakiilkii QM ee Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa ku amartay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya inuu si degdeg ah waddanka uga baxo, ka dib markii uu warqad ku aaddan rabshadihii ka dhacay Baydhabo u diray wasiirka amniga gudaha.

Wasaaradda arimaha dibedda ayaa ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo sida ugu dhaqsaha badan.

Wasiirka arimaha dibedda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo u warramay laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in ergayga uu galay khaladaad badan, isla markaana uu wasiirka amniga gudaha ula dhaqmay sida mas’uul isaga ka amar qaata.

Mr Haysom wuxuu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya. Marka wuxuu cay ku yahay dhaqanka UN-ta, wuxuuna gef weyn ka galay qaranka iyo madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Axmed Ciise Cawad.

Iid Bedel Maxamad, oo mar ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa BBC-da u sheegay in dowladda federaalka ay awood u leedahay cayrinta ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, balse waxa uu intaa ku daray in aanay sax ahayn qaabka loo maray tallaabadaasi.

“Tallaabada ay dowladdu qaaday waxaan u arkaa inay wax xooggaa ku yara degdegtay. Ma aha in isla markiiba la eryo ergeyga, tallaabooyin kale ayaa ka horreeya. Ninkan waxaa soo dirsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, marka waxa ay ahayd in isaga lala xiriiro, jid diblomaasiyadeed la isticmaalo, loo sheego in safiirkii u fadhiyay Soomaaliya uu wax xooggaa xadgudub ah sameeyay, dowladda u dirto caddeynta, asagana ayna ka codsado inuu dib ula soo noqdo safiirka, intii ay dowladdu toos u eryi lahayd,” ayuu yiri danjire Iid Bedel.

Nicholas Haysom ayaa warqaddiisa uga hadlay saamaynta ka dhalan karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen xariggii Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ee dhacay 13-kii bishii Diseembar, iyo rabshadihii xigay ee la sheegay inay ku dhinteen 15 qof oo rayid ah.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa waxa uu khilaaf kala dhexeeyaa qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, waxaana hadda muuqata in xiisad horleh ay ka dhex abuurantay iyada iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka.

Xuquuqda: BBC