War cusub oo kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaallamaya gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Waxaa uu Odayaasha dhaqanka ee beelaha dagaallamaya kula taliyay in ay ku dadaalaan xallinta dagaal beeleedyada, maadaama ay iyaga ahaayeen dadka waligoodba xallin jiray khilaafka beelaha.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu ku jiro duruufo adag, islamarkaana ay dhib ku tahay dagaal beeleed hor leh.

Waxaa uu baaqiisa u raaciyay Odayaasha Beelaha ku dagaallamaya Maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug in ay xal ka gaaraan.

Xasan, ayaa sheegay in waaya aragnimo loo leeyahay dagaallada sokeeye islamarkaana dad badan ay qaxaan, heshiisna uu ka dambeeyo sidaas darteedna ay muhiim tahay in hadda inta aysan xaaladda sii xumaan.

Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa Dowladda Federaalka ah ugu baaqay in ay qaadato kaalinta kaga aaddan sidii loo joojin lahaa dagaallada ka socda Shabeellaha dhexe, Hiiraan iyo Galguduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com