“Madaxweynihi hore arinta uu Muqdisho ka bilaabay waa mid aan ka fileynin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Salaad Cali Jeele oo ah lataliyaha dhanka siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa weeraray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Salaad Cali Jeelle, ayaa ku eedeeyay madaxweynihii hore ee dalka inuu abaabul qabiil uu ka wado magaalada Muqdisho taasina ay tahay mid aan laga fileysaneyn, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Fadhi uu isugu yeeray Qabiil, inkastoo uusan sheegin waxyaabaha ay ka wada hadleen fadhiga qabiileed ee uu abaabulay Xasan Sheikh Maxamuud, sida uu shaaciyay Salaad Cali Jeelle.

“Waxaan marqaati ka ahay in Hotel uu ka dhacay shir, kaasi oo madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud abaabulkiisa lahaa, waxaa nasiib daro weyn ah marka in madaweynihii hore uu markii hore qabiil diid ahaa oo koox Damul Jadiid layiraa mar walba ku dhaganaa, inuu maanta oo xisbiyo ay dalka ka hana qaadeen, inuu maanta fadhi qabiil isugu yeero”ayuu yiri Salaad Cali Jeele.

“Inuu Qabiilka horboodo, waxay nagu tahay mid aanan kana maleysaheyn umadda Soomaaliyeedna ka fileyn, Soomaalidana ma ahan mid u qalanta maxaa yeelay, halkaan waa madaxii ummada Soomaaliyeed waxaana loo baahan yahay inay ka muuqato, dowladnimo iyo in gacmaha la is qabsado”ayuu yiri Salaad.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalmo ka hor kulan gaar ahaa la qaatay siyaasiyiin xilal kala duwan dalka kasoo qabtay iyo kuwo hadda haya, iyada oo aysan soo saarin waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Ma jiro wax war ah oo dhanka Xasan Sheikh kasoo baxay oo looga jawaabayo hadalka kasoo yeeray Salaad Cali Jeelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com