Garowe (Caasimada Online)-Gudoomiyaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland ayaa digniin u jeediyay shacabka ku nool gobolkaasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in deegaanada Puntland gaar ahaan gobolka Nugaal kusoo wajahan yihiin roobab dabeylo xoogan watta.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in maalmaha Isniinta oo beri ah iyo Tallaadada ay jirto cabsida ugu daran, sida ay u sheegeen kooxaha Saadaasha Hawada.
Gudoomiyaha ayaa uga digay shacabka gobolka Nugaal iney ka fogaadaan meelaha biyo fariisidka ah iyo deegaanada xeebaha ku teedsan.
Qaar ka mid ah dadka kunool gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay saaka dareemayaan Jawi qabow , islamarkaana ay ka cabsi qabaan in dabeylo ay ku dhuftaan degaanada ay kunool yihiin.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

