Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa heer gabo gabo ah maraya qabanqaabadii ugu dambaysay ee loogu diyaar garoobayo qabsoomidda shir in badan lasoo abaabulayey oo la doonayo in lagu dhiso maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan Gobalada Sanaag iyo gobollada la magac baay Hiland iyo Galbeedka Bari.
Shirkan oo abaabulkiisu socday muddo saddex-sano ah, ayaa looga gol-leeyahay in iyadoo la tixraacayo rabitaanka iyo ogolaanshaha dadka dega Gobaladaasi iyo daafaha caalamka ku kala nool, oo ah in Maamul loo dhan yahay ay yeeshaan si loo helo Maamul ama cid daboosha baahida iyo cabashooyinka ay tabanayaan dadka deegaanka.
Sida ay xogta sheegeyso, maamulkan cusub ayaa waxaa qeyb ka ah ama hoggaaminaya
1 – Xildhibaan Cawad Axmed Casharo
2 – Caasho Axmed Cabdalla.
3 – Axmed Maxamed Salaad
4 – Axmed C/raxmaan Saciid (Buraale)
5 – Maxamed Ibraahim
6 – C/llaahi Maxamed Geel-Jire
7 – Maxamed Sheekh C/llaahi
8 – Maxamed Xasan iyo qaar kale.
Waxaa sida la qorshaynayo shirkani oo ay kasoo xaadiri doonaan siyaasiyiin, aqoonyahano, iyo marti sharaf culculus oo ka kala iman doona dalka gudihiisa iyo dunida dacaladeeda, ayaa waxaa uu 15 April 2015 ku qabsoomi doonaa Magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

