27.3 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Maamul Goboledyada oo iska diiday ka qaybgalka Shirka Dastuurka

Bookmark
Bookmarked

Share

Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa iska diiday ka qayb galka Shirka arrimaha Dastuurka looga hadlaayo ee maalinta Bari ah lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho.

 Maamulada Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland ayaa diiday inay ka qeyb galaan shirkaas, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa.

Wasiirka Dastuurka Maamulka Puntland C/fataax Siciid Caynte ayaa sheegay inay iska diideen ka qayb galka Shirkaasi, maadaama Shirka uu yahay mid wayn, xilligaana in la qabto ay adag tahay.

Wasiirka Dastuurka Puntland ayaa sheegay hanaanka agaasinka Shirka inuusan aheyn mid haboon, islamarkaana Puntland ay u aragtay in gabi ahaanba madasha shirkaasi aysanba tagin.

Sidoo kale Wasiirka Dastuurka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Colaad, ayaa dhankiisa sheegay in Shirkaasi haddii ay diideen maamul Goboledyada dalka ka jira dhanka Galmudugna ay iska diiday.

Sababta ayaa wuxuu ku sheegay in nuxurkii Shirka uu meesha ka baxay, maadaama Maamulada dalka ka jira ay diideen ka qaybgalka Shirkaasi.

Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed C/laahi Sheekh Xasan ayaa dhankiisa sheegay Koonfur Galbeed inaysan cagta saari doonin madasha shirkaasi.

C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka ayaa sheegay in shirweynaha Qaran ee Dastuurka uu furmi doono 8-da bishan oo ku beegan maalinta berri oo Axad ah.

Arrintan ayaa waxay sare u qaadeysa khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hada galaya waji cusub.

Sidoo kale waxaa jira shir gaar ah oo maamul goboleedyada ay ku yeelanayaan magaalada Kismaayo, kaasoo ay ka maqan tahay dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Read more

Local News