Maamul goboleedkii 2-aad oo shaaciyey KURAASTA degaan doorashada 2-aad

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa noqotay maamul goboleedkii labaad ee ku dhowaaqa kuraasta deegaan doorashada labaad ee Golaha Shacabka, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii doorashooyinka dalka ee horay lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Guddiga SIET ee HirShabelle ayaa soo saaray liiska 13 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla gudaha magaalada Beledweyne, kadib markii uu magaaladaasi tegay madaxweyne Cali Guudlaawe oo is-afgarad la gaaray reer Hiiraan oo tabasho xoogan ka qabay maamulkiisa.

Kuraasta 13-ka kursi ah ee la shaaciyay qaarkood waxaa ku jira kuwo ay ku fadhiyaan siyaasiyiin miisaan culus ku dhex leh siyaasayada Soomaaliya, waxaana jira welwel badan oo ay qabaan Musharaxiinta qaar oo ku aadan in loo boobo kuraasta shaqsiyaad gaar ah oo la wato.

Kuraasta doorashadooda la shaaciyey oo la qaban doono maalmaha soo socda ayaa waxa ay kala yihiin:- Hop#003, Hop#006, Hop#008, Hop#015, Hop#022, Hop#031, Hop#032, Hop#068, Hop#074, Hop#086, Hop#109, Hop#252 iyo Hop#274.

Maamulka HirShabeelle ayaa noqonaya maamulkii labaad ee shaaciya doorashada kuraasta taala deegaan doorashada labaad ee doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana maamulkii ugu horeeyay noqday Koonfur Galbeed oo Baraawe ku qabatay doorashada13 kursi, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la qabto doorashada 13-ka kursi ay shaaciyeen guddiga doorashada HirShabeelle.