Maamul goboleedyada iyo DF oo qoraal cusub soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen si wadajir ah uga hadlay arrimaha soo kordhay, gaar ahaan xaaladaha bani’aadanimo ee dalka.

Kulan ay isugu yimaadeen wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu gorfeeyey xaaladaha abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee bani’aadanimo ee ka jira gudaha dalkeena.

Sidoo kale wasiirada heer federaal iyo heer dowlad goboeed ayaa diiradda saaray, sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha haatan ka jira gudaha Soomaaliya

Halkan hoose ka aqriso:-

1. XAALADDAHA ABAARAHA IYO BIYA-YARIDA DALKA.

Sida aan la wada socono qeybo badan oo ka mid ah dalka waxaa saameyn ku yeeshay Biya-yarida baahsan taas oo sababtay inay Xoolaha macluul iyo haraad u dhintaan.

Deegaanada ay sida aadka ah u sameeysay Biya-yarida iyo Abaarta waxaa ka mid ah:- Jubbooyinka, Gedo, Mudug iyo Galgaduud.

2.CUNA-YARIDA

In ku dhow 7.7-Milyan oo ruux ayaa wajahayo Cuna-yari daran taas oo ka dhalatay saameyntii ay reebeen Abaarihii, Fatahaadihii iyo Ayaxii saxaraha
ka yimid kaas oo galaaftay dalag badan islamarkaana baajiyay xilli badan oo ay dadka tabcan lahaayeen Beerahoodda.

Waxaa kale oo xaaladda sii cakiray faafida caabuqa COVID-19 iyadoo hirkii u dambeeyay uu saameeyay dhaqaallaha waxa uu sarakac ku keenay maciishada quutul-daruuriga ah.

3. FATAHAADDAHA

Deegaanada Hirshabeelle, gaar ahaan tuullooyin ku dhow dhow Baledweyne iyo Jowhar waxaa saameyn ba’an ku yeeshay fatahaadihii kal hore ku dhuftay kuwaas oo sababay barakaca dad badan oo beeraleey ahaa oo aan beerahoodda tabcan xilli-roobeedyadii lasoo dhaafay taas oo keentay
xaaladdo Bini’aadanimo.

4. NAFAQA-DARADA

In badan oo ka mid ah Haweenka, Caruurta iyo dadka da’da ah ayaa dhibtoonayo nafaqa-daro iyo macluul aad u daran oo ka dhallatay raadadkii xumaa ee isbeddelka cimiladda.

Hoos u dhaca wax soo saarka, qiimo kororka maciishada iyo biya-yarida ayaa weli sii kordhinayo macluusha.