Maamulada shirkadaha dhismooyinka dalka oo lagu soo rogay amar adag

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaradda howlaha Guud iyo dib u dhiska xukumadda Somalia, ayaa amar kusoo rogtay dhammaan shirkadaha dhismooyinka ee ka howlgala gudaha iyo gobolada dalka.

Wasiirka wasaradda howlaha Guud iyo dib u dhiska xukumadda Somalia Eng Saadiq Abdulaahi Cabdi, ayaa sheegay in dhammaan Shirkadaha dhismooyinka laga doonaayo inay hoos imaadan Wasaarada oo ay maraan dhammaan sharciyada Wasaarada.

Waxa uu Wasiirku sheegay in Madaxda shirkadahaasi ay ku amrayaan inay isa soo diiwaan galiyaan si loola socdo  tayadda shaqooyinka dhismaha ay ka fulinayaan dalka.

Wasiir Saadiq Abdulaahi Cabdi, ayaa intaa ku daray hadalkiisa xili uu marti ku ahaa kulaanka todobadka ee warbaaahinta qaranka in talaabo sharci ah laga qaadi doono cidi uu hogaansami weydo awaamiirta wasaradda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in iminka ay meel wanaagsan marayaan dadaalada loogu jiro sidii loo fulin lahaa balan qadkii  dowlada Turkiga ee ku Aadana dhismaha 10kun oo guri oo qeyb ka  ah masharciida horumariineed ay dowlada turkiga ka fulineyso dalka.

Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya xili Wasaaradiisa ay kaalmaha koowaad kaga jirto Wasaaradaha aan u jilicsaneyn shaqooyinka loo igmaday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com