Maxaabbiista dagaalka oo Soomaaliya ku soo laabtay – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Sagaal iyo Tobnaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Waa Talaado.  Taariikhdu waa 23 August sannadka 1988.  Waxaa maanta billaabanaya isu celinta maxaabbiista dagaalka ee Soomaaliya iyo Ethiopa.

Waa maalin-shaqo tii abid iigu farxad badnayd.  Waa maalintii ay xorriyaddooda dib u heli doonaan dad looga talo galay in ay dagaal ku dhinteen toban sano ka hor.  Dad aan inta badan ehelkoodii aniga oo ICRC ka socda aan soo wargeliyay in ay nool yihiin.  Dadkaas ayaa maanta dalkooda ku soo laabanaya.

Waa maalinta iigu horreysa ee aan arki doono rag aan magacyadooda hayo. Xaasaskooda iyo carruurtooda aan aqaan.  Qaar aan hooyinkood ama aabbayaashood aan la kulmay.  Qaar aan Muqdisho kula kulmay qaarna safarkii dheeraa ee aan ku maray dalka intiisa badan.

Laakiin aan iyagu, waa maxaabbiistee, jiritaankeygaba ogeyn, maadaama aynaan weligeen is arag, ismaqal, macaammil toos ahina aanuu na dhex marin.

Ma ahan maxaabbiista keliya in aan kulmi doono.  Waxaa kale oo aan la kulmi doonoaa ehelkoodii aan u kala warqaadi jiray oo qaarkood ay ka yimaadeen gobollada si ay u soo dhoweeyaan aabbahood, walaalkood, wiilkooda, adeer ama abtigood.

Laakiin gelinka hore ee maalintaas Arbacada ah waxaan dirqi uga baxsaday in aan anigu xabsi galo.  In howshaas oo shaqaale fara badani ku jirayna, aanay aniga iyo mas’uuliyiin kale oo la isla keen xiri lahaa aanay darteen u baaqateen.  Sidii darteedna waxaan halis u galnay in aan maalintaas gefno.

Xabsiga Dhanaane

Gelinka hore ayaan shaqo u baxnay aniga, laba Swiss ah oo ICRC ah, nin filim-soo-saare ah oo la doonayo in uu barnaamij ka sameeyo howlgalka, waxaan u maleynayaa in dhalashadiisu ay ahayd Nigerian.  Waxaa na wehliya sarkaal ka socda Hey’adaha amniga Soomaaliya.  Waxaan isu raacnay xabsiga Dhanaane.

Waxaan wadannaa saddex gaari – laba Landcruiser oo ICRC ah iyo baabuur jeep ah oo uu wato mas’uulka amnigu.  Sarkaalka amnigu dhar rayid ah ayuu qabaa, laakiin gaariga uu wato waxaa marsan midabka Xoogga Dalka.

Markii aan tagnay, ayuu ninkii filim qaadaha ahaa waxaa uu billaabay in uu video ka duubo maxaabbiista Ethiopian-ka ah.  Waxay ahayd arrin la isla wada ogaa.  Laakiin waxaan arkay Sarkaalkii Amniga ka socday oo gariiraya caro darteed.  Wuxuu si  kulul amar ku siiyay Sarkaal Ciidanka Asluubta ah in uu kaamerada ka qaado ninkan ajnebiga ah.  Sarkaalkiina askari ayuu ku amray fulinta amarka.

Anigu markaas maskaxdeydu waxay gashay xaalad is-difaac ah.  Sideen uga badbaadaa in aan xabsi ku galo murankan billowga ah?  Waa dhaqan aan illoobi doono marka aan sannad kale howsha ku jiray oo aan Berbera ka howlgalay.

Labada Sarkaal ee ICRC midka aniga madaxda ii ahaa ayaan u tegey oo aan iri meeshaan jawigeeda uma bogin ee aan ka laabanno. Waxay i weydiisay maxaa dhacay?

Ma ahayn meel wax la isugu fasiri karo oo waa la is wada ag taagan yahay.  Wakhtiguna wuu socdaa oo askarigii amarka la siiyay wuxuu ku sii socdaa ninkii filimka qaadayay.

Sarkaalka amnigu ma faraxsana, ayaan ku soo koobay hadalka.  Waxay tiri arrintan waa lagu heshiiyay oo waan u fasireynaa.  Waxaan ku iri joogi maayo ee xafiiska ayaan tegayaa ee waa inoo hadhow.

Aniga oo aan oggolaasho sugin ayaan gaarigeyga qaatay.

Dhanaane marka aan joogay Radiyaha baabuurka iigu xiran iyo gacanka aan sitay midna ma lahayn signal.  Marka aan Xalane ku soo dhowahay ayaan la hadlay Madaxa Ergada ICRC.  Waxaan u fasiray xaaladda.

Aniga oo waddada Maka al Mukarrama ku jira ayaa Xafiisku i soo wacay oo la ii sheegay in aan ku laabto Dhanaane oo xaaladda aan ka soo bixiyo warbixin buuxda.  Waxaan u sheegay in aanan Dhanaane tegi karin,  laakiin aan falayo wixii aan karo.

Dib ayaan u laabtay.  Waxaan u tegey askari waardiye ah oo hor taagan Xerada Militeriga Xalane.

Wixii aan ka baqayay ayuu ii xaqiijiyay.  Baabuur astaanta ICRC ee keyga ku xardhan oo kale ay ku dhegsan tahay in uu goor dhoweyd maray halkan oo dhinaca magaalada u gudbay.

Maaddaama aan daqiiqadahaas kooban aan howshii xabsiga lagu soo dhammeyn, isla markaana aanay saraakiisha ICRC ku laaban xafiiskii, Radiyana kula hadal waxaa noo soo baxday in aanay xor ahayn.

In yar ka dib waxaa la ii diray in aan soo ogaado hey’adda xirtay iyo meesha lagu xiray.  Dalabkaas inkasta oo uu xafiisku ii soo gudbiyay waxaa uu ka yimid dhinaca Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha.

Xuuraansi ka dib waxaan ka warhelay in ay ku xanniban yihiin xarunta Dhexe ee Nabadsugidda ee FIAT agteeda ah.  Wasiir ku Xigeenka ayaa markaa in aan tago xarunta NSS, wuxuuna ii tilmaamay sakraakla aan la xiriirayo.  Intii markii aan yeelay, waa la soo fasaxay saddexdii ruux ee ajnebiga ahaa ee xannibnaa.

Gegida Dayaaradaha

Galabtaas waxaan aadnay airporka.  Halkaas oo ay ka soo degeysay dayaarad ICRC u kireysan oo sidda kooxdii ugu horreysay ee Maxaabbiis Soomaali ah oo xabsiga laga soo daayay.

Dad badan oo soo dhoweynaya maxaabbiista ayaa gegida tuban.  Waxaa dhoobaan ehelka maxaabbiista oo qaarkood gobollada ka yimideen.  Ugu yaraan maxabuus kasta hal qof ayaan ehelkiisa ka aqaan oo ah midka aan waraaqaha u geyn jiray kana soo qaadi jiray ama iyagu xafiiska noogu keeni jiray.

Markii aan gaariga ka soo degay ee aan qaarkood isa salaannay si aan farxadda ula wadaago, waxay ahayd shucuur aanan tilmaami karin.  Qaarkood xabadka ayaan isa saarnay ka dibna way i sii deyn waayeen.  Muddo dhan ayaan isku dhegganeyn.

Ehelka waxaa wehliyay, dad badan oo daawasho u yimid.

Madax badan oo uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre ayaa goobta jooga.  Waxaa wehliya Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa mas’uulka saddexaad ee dalka ugu sarreeya, Wasiirka Gaashaandhiigga iyo madax kale oo badan.

Waxaa kale oo jooga cutubyo ka tirsan salaan-sharafta Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labada barxadood ee gegida dayaaradaha, waa midda gudaha iyo tan dibadda wuxuu jawigoodu ahaa mid farxad filan waa’ ku ah inta badan dadka goobta jooga.  Wuxuu ahaa jawi farxad ay muujiyaaan waalid dib u helay wiilkoodii, marwo ay toban sano ama ka badan ka dib ay is arkayaan saygoodii, iyo carruur dib u helay aabbayaashood.

Labada sawir ee aan qormadaan ku soo qaatay, waxaa qaadday Wakaaladda Filimmada Soomaaliyeed, waxaana Arbaco 24 Agoosto 1988 daabacay wargeyska Xiddigta Oktoobar. Wargeyska Xiddigta Oktoobar iyo Najmatu Oktoobbar oo ahayd af Soomaali waxay ka mid ahaayeen Wargeysyo hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha.  Sidoo kale, Wakaaladda Filimmada Soomaaliyeed oo ahayd Wakaaladda keliya ee qaadda sawirrada rasmiga ah ee Dowladda iyo dhacdooyinka dalku waxay hoos imaaneysay Wasaaradda Warfaafinta.

Sarkaalka Amniga

Muddo ka dib markii aan shaqo kale isugu nimid Sarkaalkii amniga  ee aan subaxaas ka yata fashiliyay isku daygiisii xarigga, wuxuu igu yiri, ma ogid howsha aad ku jirtaa waxa ay dalka u dhimeyso.   Anigu ugama jawaabin.  Sababta oo ah waxaan u arkay marka ay ugu sahlan tahay in weedhaasi ay tahay daandaansi, haddii kalena uu hanjabaad ula jeedo.  Waxaan goostay in aanan cayaarta uu billaabay aanan kala qeyb qaadan.

Wuxuu ahaa nin aad iiga weyn, iigana khibrad badan runtiina aan tixgelin u hayay.  Waxaanse u arkayay howsha aan wadaa in ay ahayd mid samafal ah oo weliba u gargaareysa  Askar iyo Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo xabsi shisheeye ku jira.   Waxaa kale oo aan u arkayay in aan Wasiir ku Xigeenka u fududeeyay xallinta wixii caqabad ku ah howlgalka uu isagu mas’uulka ka yahay, caalamkuna uu indhaha ku hayo.

F.G. Taxanuhu wuxuu u gudbi doonaa, soo dhoweyntii maxaabbiista Soomaaliya oo badankood saddex duullimaad ku yimid dalka.  Iyo maxaabbiistii Ethiopia oo ciidan iyo shacab leh oo 10 maalmood la daad gureynaya, jawiga gegida dayaaradaha ee Dire Dawa waxay ahayd.  Waxaa kale oo aan taaban doonaa maxaabbistii Soomaaliya markii ay ku soo laabteen sida loola dhaqmay iyo inta aan ka warqabo waxa ay maanta, 2018, ku sugan yihiin.

W/Q. Yuusuf Garaad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com