Al-sisi oo fariin goodin ah u diray dhinacyada aadka uga soo horjeeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dalka Masar Abdel Fattah al-sisi ayaa ku goodiyay inuu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doona cidii ku xadgudubtaa sharafka ciidamada qalabka sida.

Al-sisi, ayaa sheegay inay sii kordhayaan dhinacyada sida xadgudubka leh ugu gafaayo ciidamada Qalabka sida, waxa uuna ku goodiyay in cidii ku xadgudubtaa ciidamada ay marin doonaan waddo cad.

Al-sisi, ayaa ka digay in laga been abuurto ciidamada qalabka sida ee dalka iyo bilayska taas oo uu ku sheegay inay tahay fal Qiyaano qaran oo aan loo dulqaadan doonin.

Al-sisi oo haddalkaan ka jeediyay shir ka dhacay magaalada xeebta ah ee Alamiin, waxa uuna aflagaadada ugu badan ku eedeeyay shaqsiyaadka kula loolamaaya doorashada.

Nuqul kamid ah haddalka Al-sisi ayaa ahaa “Haddii uu qof aflagaadeeyo ama ka been abuurto ciidamadeena., wuxuu meel uga dhacayaa sumcada wanaagsan ee dhamaan Masriyiintii, taasna ma noqon doonto su’aal ah xorriyadda hadalka,”

Isagoo haddalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray “Qofna uma ogolaan doono inuu si khaldan wax uga sheego ciidanka iyo booliska inta aan halkaan joogo ayuu raaciyay hadalkiisa.”

Dhianaca kale, al-sisi ayaa dhinacyada kasoo horjeeda Siyaasadiisa ugu baaqay inay kala saran arrimaha khaaska iyo tan Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com