29.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

AXMED Madoobe oo diiday qorshihii DF iyo khilaaf laga cabsi qabo mar kale

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in maamulka kumeel gaarka ee Jubba ee uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe aysan ka qaybgali doonin shirka dib-u-heshiisiinta ee dowladda ku qabaneyso magaalada Muqdisho shanta bishan October.

Si dhab ah looma oga sababta keentay in maamulka Axmed Madoobe uu qaadaco shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka.

Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud oo ah madaxa jabhada Raaskambooni oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa si cad ah u sheegay in maamulka Axmed Madoobe uusan ka qaybgali doonin shirka shanta bishan ka dhacaya Muqdisho.

Ma sheegin wax khilaaf ah oo soo dhex-galay maamulka Axmed Madoobe iyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Waxaa jira warar sheegaya in soo if-baxay khilaaf hor leh oo soo dhex-galay maamulka Axmed Madoobe iyo dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu dilay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cawil Guure kaasoo la sheegay in ay dileen ciidamada maamulka Axmed Madoobe sida uu yiri walaalkiis Faaraax.

Wiilkan ayaa la sheegay in uu shaqeen jiray shirkadda isgaarsiinta Olympic ee Kismaayo, waxaana loo badinayaa in loo dilay aano qabiil.

Magaalada maalmahan waxaa ka socday dilal abaabulaan oo qaar kood ay ku lug lee yihiin ciidamada maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News