Maamulka GALMUDUG oo amar culus soo saaray, kadib dagaalkii magaalada Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga Galmuudg ayaa soo saartay amar culus oo la xiriira amniga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay shalay ciidamada maamulkaas iyo kuwa dowladda ay kala wareegeen xoogaga Ahlu Sunna.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya qof aan ciidan aheyn aysan hub ku dhex qaadan karin Guriceel, isagoo sheegay in la xaqiijiyey amniga degmada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in amniga magaalada ay u xil-saareen laba koox oo baaris dheeraad ah ku sameynaya goobihii lagu dagaalamay, si ay xaaladda u qiimeeyaan.

Waxa kale oo uu xusay in ka wasaarad ahaan ay soo saari doonaan xeer deegaanada Galmudug looga mamnuucayo hubka, si dadka hubeysan looga dhigo hubka.

Ugu dambeyn ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa iyana ugu baaqay inay ku sugnaadaan xeryahooda, marka laga reebo inay howl-gallo ku jiraan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada dagaallo qaraar oo u dhexeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug ay ka dhaceen Guriceel, kaas oo geystay dhimasho, dhaawac burbur & barakac.

Si kastaba, Galmudug ayaa haatan dooneysa inay gacan bir ah ku qabato amniga gobollada Galgaduud iyo Mudug, si ay uga hortagto dagaallo markale ka dhaca halkaasi.