Maamulka GALMUDUG oo dhowaan ciidamo geynayaa Caabudwaaq + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa qorsheyneyso in ciidamo dheeraad ah oo isugu jiro Boolis iyo Nabad Sugid ay dhowaan geyso degmada Caabudwaaq oo ku taalla waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxaa lagu go’aamiyey shir looga hadlayey ammaanka oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, kaas oo uu guddoomiyey madaxweynaha ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Dahir Ciid, ayna ka qaybgaleen saraakiisha laamaha ammaanka.

Cali Daahir Ciid oo kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada cusub ee la geynayo Caabudwaaq loogu tala-galay inay xoojiyaan amniga magaaladaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo weeraro.

Sidoo kale madaxweynaha ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka inay soo dhoweeyaan ciidamadaas, isla-markaana ay la shaqeeyaan.

Waxa kale oo uu farriin culus u diray Cali Daahir Ciid odayaasha deegaanka, culimada iyo ganacsatada oo uu ugu baaqay inay qaataan doorka kaga aadan nabad-gelyada guud.

Caabduwaaq ayaa waxaa haatan ka jira dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeyo maleeshiyaad ku sugan degmadaas & naxaaxigeeda, kuwaas oo weeraro ka fuliya halkaasi.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa marar badan kusoo noq-noqday colaad beeleedyo salka ku hayo dilal la xiriira aano Qabiil oo ka taagan qaybo badan oo ka mid ah gobolkaasi.