Maamulka gobolka Banaadir oo fara-geliyey xiisaddii ka taagneyd degmada KAXDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa farageliyey xiisad salka ku heysay dilal la xariira aanooyin Qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka, ahna guddoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Ibraahim Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la xaliyey xiisadii ka taagneyd Kaxda, kadib kulamo uu la qaatay odayaasha dhaqanka ee degmadaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya gacan bir ah lagu qaban doono cidkasta oo fal ami darro ah ka geysata halkaasi.

Dhankooda odayaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir inuu soo farageliyo xiisaddaasi, islamarkaana uu si deg deg ah ku xaliyo, iyagoo sheegay in ay kala shaqeyn doonaan xasilinta amniga.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xilkii laga qaaday taliyaha saldhigga Booliska degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana xog ay heshay Caasimadda Online ay sheegeysaa in sababta xilka looga qaaday ay tahay amni darada ka jirta Degmadaasi

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ka dhacayey dilal ku saleysan aanooyin qabiil, waxaana lagu dilay dad badan.

Taliyaha xilka laga qaaday ee Kaxda ayaa awood u yeelan waayey inuu xaliyo dhibaatada amni xumo ee ka taagan degmadiisa.

Sida xogta ku helnay maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in taliye cusub loo magacaabo degmada, kaas oo la filayo inuu noqdo mid xal u keeni karo dhibaatada ka jirto halkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com