Muqdisho (Caasimada Online) – Iimaan Nuur Iikar oo ah Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka dhawaajiyey arrin yaab ku noqotay shacabka Muqdisho/
Mas’uulkaan ayaa ka dhawaajiyey in ammaanka Magaalada Muqdisho uusan gacanta ugu wadajir dowladda Federalka Somaliya, wuxuuna hadalkaan kusoo aadayaa xilli maalmihii ugu dambeeyey magaalada muqdisho laga dareemay amni xumo.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inay magaalada Muqdisho joogaan ciidamo badan oo hubeysan kuwaas oo aan la garaneyn halka ay ka amar qaataan taasoo caqabad qeyn ku ah sugidda amniga magaalada.
Wuxuu sheegay inay magaalada Muqdisho noqotay sida xero ciidanka lagu tababaro oo kale maadaama ay aad uga buuxaan ciidamo hubeysan.
Mas’uulkaan ayaa ku sheegay sababta aysan amaanka Muqdisho guud ahaan gacanta ugu heyn dowladda Soomaaliya inay tahay maadaama ay jiraan ciidamo si gaar ah loo leeyahay oo joogo magaalada wuxuuna tusaale usoo qaatay in Hotel kasta oo magaalada ku yaal uu leeyahay ciidamo isaga u gaar ah.
“ amaanka Muqdisho si guud dowladda gacanteeda uguma jirto, waxayna midaas keentay in Hotel kasta uu xirto wadooyinka soo galo sidoo kalana uu sameysto ciidamo badan oo isaga u gaar ah, waxaan rabnaa inaan dhawaan magaalada isku furno waxaana midaas ku gaari karnaa inay shacabka na garab istaagaan” ayuu yiri.
Waxaa inta badan magaalada Muqdisho lagu arkaa ciidamo u dhisan qaab malaashiyaad ah kuwaas oo aan hoos tagin dowladda Soomaaliya waxaana kamid ah ciidamo ilaaliyo Mas’uuliyiinta dowladda.
Dadka falanqeeyo arrimaha amniga ayaa kuu sheegayo inay tahay sababta ugu weyn ee amaanka Muqdisho loo sugi la’yahay ciidamada tirada badan ee dhex buuxa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

