Muqdisho oo la ciir ciireyso shaqsiyaad xil doon ah oo ka imanaya dibadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad  doonayo inay xubin ka helaan wasiirada cusub ayaa kusoo qulqulayo magaalada Muqdisho xilli ay ka kala imaanayaan   Wadamada Reer Galbeedka, sida Qaaradaha Yurub iyo Mareykanka.

Xubnahaan sida xad dhaafka ah ugu soo qulqulayo magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa inay xiriir dhaw la leeyihiin   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya  Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo  iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda cusub  Xasan Cali Khayre.

Illo ku dhaw dhaw madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa caasimadda Online u xaqiijiyey in maalin kasta xarunta lagu soo dhaweeyo shaqsiyaad ka imaanayo dibadda.

Marka ay garoonka kasoo dagaan shaqsiyaadkaan ayaa waxaa la dajiyaa Hoteelada magaalada Muqdisho iyadoo ay shaqaalaha xarunta madaxtooyada kusoo daad gureeyaan baabuurta aan xabadda karin.

Siyaasiyiinta dalka so galayo iyo tirada wasiirada la magacaabayo ayaa ah wax aad u kala fog waxayna midaas kuu caddeeneysaa inaysan dhammaantood xil heli doonin balse uu mid kasta wado dadaal isaga u gooni ah.

Dadaalka loogu jiro helista jagada wasiirnimo ayeysan ku koobneyn kaliya shaqsiyaadkaan dibadda ka imaanayo balse waxaa sidoo kale meesha ka marneyn xubnihii hore ee ka tirsanaa Baarlamaanka iyo kuwa hadda ka tirsan.

Dhawaan ayaan la filayaa inuu Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre si rasmi ah ugu dhawaaqo liiska golihiisa wasiirada taasoo ay dad badan u dhaga taagayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com