Waa maxay sababta keentay inuu Museveni madax xanuun ka bixi waayo tan iyo markii Farmaajo la doortay?

Kampala (Caasimada Online) – Waxay aheyd 08 February 2017 markii si rasmi ah uu ugu guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

 Tan iyo xilligaas waxaa lasoo sheegayaa inuu madax xanuun iyo fakar ka bixi la’yahay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni kaasoo aad u taagersanaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo kii ka horreeyey ee Shiikh Shariif.

Ilo ku dhaw dhaw xafiiska madaxweyne Museveni ayaa caasimadda Online u xaqiijiyey inuu madaxweynaha dareemayo murugo iyo farxad la’aan kasoo wajahday siyaasadda Soomaaliya oo uu la wareegay Farmaajo oo ay horey isugu dhaceyn markii uu dalka ka ahaa Ra’isulwasaare markaas oo ay dowladda Uganda ku qasabtay inuu xilkiisa ka tanaasulo.

Haddaba sababta ugu weyn ee keentay inuu Museveni madax xanuun ka bixi waayo ayaa ah maadaama madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta ka dhawaajiyo inuu dhisi doono ciidamadii Soomaaliya si meesha looga saaro ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan muddo 10 sano ah.

Uganda waa dowladda ugu badan o ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya waxayna bil kasta qaadataa lacag aad u badan oo mushaar ah, wuxuuna halkii askari oo AMISOM ah qaataa mushaarka la siiyo 5 askari oo dowladda ka tirsan.

Haddii ciidamada AMISOM laga saaro Soomaaliya dowladaha Uganda iyo Burundi waxaa soo wajahayo culeys farabadan maadaama aysan awoodin inay ciidamadaas mushaar siiyaan marka ay dib ugu laabtaan dalkooda taasoo ah sababta ugu weyn oo ay markii horeba usoo direyn.

Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa hadda ka dhawaajiyey inuu kusoo dhameyn doono joogitaanka AMISOM muddo 2 sano ah intaas wuxuu sheegay inuu diyaarin doono ciidamadii Soomaalida aheyd ee xilkaas la wareegi laheyd.

Madaxweynaha Uganda ayaan xataa kasoo qeybgelin xafladdii lagu caleema saaray Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markaas oo ay kasoo qeybgaleen madaxweynaha Kenya iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
caasimada@live.com